|

Kala Dhaqaaqa Kulmiye iyo La isku Joojin Maayada Garabka Muuse Biixi!! Faallo

Hargeysa,4Nov,2015(QJ/SDN)-Waxaa wali cakiran khilaafka keenay kala fogaanshaha labada garab ee Kulmiye. Musharaxiinta isbahaystay ayaa u muuqda kuwo ka rajo dhigay ka sii mid ahaanshaha xisbiga inkasta oo badankoodu tacab badan soo galiyay xisbiga. Waxaa loo arkaa garab laxaadkiisa iyo miisaankiisa leh musharaxiinta isbahaystay, kaasi oo Kulmiye mustaqbalka tabi doono haddii xumaan lagu kala galbado.

Musharaxiinta kala ah Musharax Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe, Musharax Maxamed Biixi Yoonis iyo musharax Cabdicasiis Samaale oo ay weheliyaan masuuliyiintii ka dareeray xukumadda, guddoomiye xigeennada labaad iyo saddexaad ee Kulmiye, guddoomiye xigeennada koowaad iyo labaad ee wakiillada oo hogaaminaya mudaneyaal haldoorkii Kulmiye wakiillada ugu jiray ah iyo tiro golaha dhexe ee Kulmiye ka mid ah oo lagu sheegay inka badan 200 waxay si adag uga soo horjeesteen hanaanka loo wado xisbiga Kulmiye.

kulankoodii Isniintii ka dhacay hotelka Crown ee Hargeysa waxaa lagu deedafeeyay guddi madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dib u eegista arrimo tabasho ka jirto, waxaanay wacad ku mareen inaanay shirka ka qayb gali doonin haddii aan ka hor 5-ta bisha isbedel lagu samayn wakhtiga shirka ee u qoondaysan 10-ka bishan ama aan xal laga gaadhin arrimaha la isku hayo.

Haseyeeshee, xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf ayaa soo saaray qoraal ka soo horjeeda dalabyada musharaxiinta isbahaystay, wuxuuna ugu baaqay inay xarunta xisbiga Yimaadaan si loogu sheego arrimo khuseeya musharaxnimadooda. Arrintan ayaa u muuqata in garabka Muuse Biixi ee haysta taageerada Madaxweyne Siilaanyo wado “la isku joojin maayo” islamarkaana aanu danayn miisaanka musharaxiinta isbahaystay iyo taageerayaashooda Kulmiye yahannada ahaa.

Farriinta Garabka Muuse Biixi U Diray Musharaxiinta

“Dhammaan murrashaxiinta doonaya inay ku tartamaan jagooyinka madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeen ee shirka Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo u muddaysan maalinta Salaasadda ee taariikhdu tahay 10-ka bisha November 2015, waxa lagu wargelinayaa inay ku yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee caasimadda JSL Hargeysa muddo saddex maalmood ah gudahood oo ka bilaabmaya 04/11/2015 (Arbaca, Khamiis iyo Sabti), si loogu sheego shuruudaha u yaal murrashaxnimadooda iyo xeer-hoosaadka khuseeya arrimahooda.

Haddaba, waxa mar labaad lagu adkaynayaa inay waqtiga ilaaliyaan oo ay maalmahaas iska soo xaadiriyaan xarunta KULMIYE, iyadoo ciddii muddadaas gudaheeda ku imanwayda loo aqoonsanayo in aanay danaynayn tartanka murrashaxnimada xisbiga gudihiisa ee shirka Golaha Dhexe”  ayuu ku yidhi qoraalka Xoghaye Xasan Siciid soo saaray.

Waxaa muuqata inaan dheg loo dhigin cabashooyinka balaadhan ee musharaxiinta isbahaystay islamarkaana aan la tix galin dalabkay madaxweynaha u gudbiyeen ee ahaa in wakhtiga shirka dib loo dhigo si looga wada hadlo arrimaha la isku hayo. Waxaa muuqata in guddoomiyaha Kulmiye ku faraxsan yahay diidmada musharaxiinta isbahaystay iyo taageerayaashoodu kaga maqnaanayaan shirka golaha dhexe oo meel banaan u sii dhigaya Muuse Biixi inuu noqdo musharaxa rasmiga ah ee xisbiga Kulmiye ku meteli doona doorashada 2017-ka.

 Saadaasha Mustaqbal:-

Dadka siyaasadda rogroga ayaa ku talinaya inaanay suuro gal ahayn in guddoomiye Muuse Biixi feebar u galo amma kala xaajoodo musharaxiinta isbahaystay mawqifka ay ku doonayaan in shirka dib loogu dhigo haddii loo dhigi waayana ay ka maqnaanayaan. Sidoo kale madaxweyne Siilaanyo ayaa la dareensan yahay inuu godobsaday talaabada wasiirada badani kaga dareereen xukumaddiisa, sidaasi darteedna aanu uga hiilin doonin Muuse Biixi oo hadda u muuqda inuu gacanta ku dhigay maamulka xarunta xisbiga iyo qabanqaabada shirka. Waxaa la rumaysan yahay in Muuse ku waayi doono taageero laxaad leh lana kulmi doono mucaaradad ay kala horyimaadaan rag xogta xisbiga iyo xukumadda haya oo muddo la soo shaqeeyay.

Waxaa la saadaalinayaa in xubnaha ku midaysan musharaxnimada ee kala ah Kijaandhe, Samaale iyo Maxamed Biixi iyagoo taageerayaashooda wata ay noqon doonaan mucaarad adag oo ka horyimaada siyaasadda madaxweyne Siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye. Sidoo kale golaha wakiillada ayaa la filan karaa inuu mucaaradad adag la galo xukumadda maadaama shir guddoonka iyo haldoorkii mudaneyaasha Kulmiye ka mid yihiin kuwa hadda godobsaday madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi.

Khilaafkan Kulmiye oo ah mid aan ateelo la isku dhigan sidoo kalena abaal la isku dhawran balse si qaawan la isku waajahay una muuqda in madaxtooyada iyo xarunta xisbiga laga xoreeyay rag tacab badan soo galiyay Kulmiye xukumaddana inka badan 5 sanno ka soo shaqaynayay ayaa saadaasha ka sakow la eegi doonaa halka uu rasmi ahaan u  sal dhigo wakhtiyada soo socda, maadaama aanay muuqan dhexdhexaadin socota.

Mawliid Cali-dhure

Suxufi degan Hargeysa

 

 

Comments are closed