|

Labo Shil oo dayaaradeed Oktoobar Gudaheeda Iyo Asaraarka Ku duugan Siyaasi Yuusuf Garaad

Muqdisho, 4 November, 2015-(SDN/QJ):- Laba dayaardood ayaa ku soo dhacay agagaarka Afgooye bishii Oktoobar ee sannadkan 2015. Weliba dayaaradda hore oo ahayd mid weyn oo xamuul ah waxay soo dhacday ka dib markay in muddo ah dul heehaabaysay magaalada Muqdisho.
diyaarad-dhacday-afgooyeIyada oo loo daneynayo bedqabka musaafarka – oo ay ugu badan yihiin Madaxda Dowladda iyo Hey’adiistayaashu, shaqaalaha dayaaradaha iyo weliba dadka dhulka jooga oo haddii ay dayaaradi soo dhacdo ay waxyeelleyn karto, sow ma ahan in la is weydiiyo waxa sababay in laba dayaaradood ay soo dhacaan bil gudaheed? Maxaa khaldama? Sowse ma habboona in la is weydiiyo in si uun loo baajin karay shilalkaas?
Wey dhici kartaa labada khaladba in ay u sabab ahaayeen duuliyayaasha ama cillad farsamo oo xagga dayaaradda ah.
Haddiise innaba ay dhacdo in sababta labadan shil ay tahay khalad ka dhacay shaqaalaha duulista ama tas-hiilaadka gegida dayaaradaha Aden – Cadde, waxaa habboon in sida ugu dhakhsiyaha badan loo baaro, loo ogaado, loona xalliyo cilladda.
Waan qiyaasayaa in Hey’adaha ku shaqada lihi ay og yihiin sababta. Waxaase ila habboon in dadweynaha lala wadaago oo lagu wargeliyo sida ay wax u dheceen si loo xoojiyo kalsoonida lagu qabi karo duullimaadyada Muqdisho.
Ma badna shilalka dayaaradaha ee Soomaaliya. Weliba waxaa mahad Rabbi ah in marka aad aragto, da’da iyo xaaladda daayaradaha qaarkood, iyo xaaladda garoommada dayaaradaha, in haddana lagu badbaado duullimaadyadooda.
Hadda oo ay soo kordhayaan duullimaadyadu, waxay ila tahay in la joogo xilligii sare loo qaadi lahaa shuruudaha ku xiran tayada iyo da’da dayaaradaha iyo isla xisaabtanka xagga bedqabka musaafurka.

Comments are closed