|

Idaacadda Kooxda Al-Shabaab oo baahisay Wareysiyo Rasaasta oo Socota laga qaadey Kooxdii fulisay Weerarkii Huteelka Saxafi iyo Wararkii u dambeeyey

Muqdisho, 4 November, 2015-(SDN/QJ):- Idaacadda Kooxda Al-shabaab ee ANDULUS ayaa baahisay Wareysiyo laga qaaday qaar ka mid ah dagaalyahannadii fuliyey Weerarkii Subaxnimadkii Sabtidii lagu qaadey Huteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo inta la ogyahay ay ku dhinteen dad ka badan 15 qof oo ay ku jireen Abbaanduulihii hore ee Ciidammada Milletariga Soomaaliya General Cabdikariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), Mulkiilihii Huteel Saxafi, C/rashiid Shire Il-qaynte, Mustaf Cabdi (Shafaana) oo ahaa wariye ka tirsanaa Telefiishinka Al-jazeera.

saxafiWeerarka oo la sheegay inay fuliyeen illaa lix ka mid ah kooxda hawl-gallada Al-shabaab isla-markaana ku bilaabmay gaadhi lagu qarxiyey albaabka hore ee Huteelka Saxafi oo ku yaalla Waddada KM4 oo dhow Madaarka Diyaaradaha ee Aadan-cadde, ayaa waxa kale oo ku dhaawacmay illaa 30 qof  oo ka mid ahaa dadkii huteelka degganaa iyo kuwii ka ag-dhawaa, iyadoo sidoo kalena uu aad ugu burburay dhismaha Huteelku.

Kooxda weerarka fulisay oo muddo Saacad ku dhow gudaha Huteelka kula dagaalamayey Ciidammada Dawladda Soomaaliya oo weerarka ka dib halkaa gaadhay, ayaa qaar ka mid ah ay khadka Telefoonka ku Wareysatay Idaacadda Andulus ee ku hadasha afka kooxda Al-shabaab..

Ragga Idaacaddu sheegtay inay Wareysatay xilligii ay hawl-galkan khasaaraha badan dhaliyey ku jireen, ayaa sheegtay inay gudaha Huteelka ku dileen Rag badan oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan oo uu ku jiray Abbaandulihii hore ee Ciidammada Milletariga Soomaaliya, Mulkiilaha Huteelka Saxafi, Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale, waxayna intaa ku dareen in dadka ay laayeen mooyaane kuwo kale ka iyaga oo dhaawac ah ka baxsadeen, halka kuwo kalena ay tilmaameen inay daaqadaha huteelka ka daateen ka hor intii aanay gaadhin.

“Rag Saraakiila oo Baaskoolado wata ayaanu laynay kuwo kale iyaga oo dhaawac ah ayay fakadeen (baxsadeen), ILLAAHAY baanu ku Mahadinaynaa oo noo suurto-galiyey hawlgalka, idinkuna (Idaacadda Andulus) noo soo duceeya gudaha huteelka ayaanu ku jirnaaye” ayuu yidhi, mid ka mid ah Ragga Hawl-galka fuliyey oo xilligii Wareysiga laga qaadayey agagaarkooda ay ka dhaceysay Xabbad badan. Waxaanu intaa ku sii daray, “Xabaddu way socotaa, waxaanu la’nahay nin aanu dillo, waayo ? wixii aanu ugu nimid oo Saraakiil u badan waanu laynay, Xildhibaanno iyo niman sare, imikana (wakhtigii weerarku socday) guriga way noogu soo geli la’yihiin (Ciidammada dawladdu).”

Intii uu socday Wareysiga Idaacadda Andulus la yeelatay Ragga Al-shabaab u fuliyey weerarka huteelka Saxafi, ayaa waxa dhacay Qarax kale oo deba socday kii lagu qarxiyey Albaabka Huteelka, waxaana markaa ninkii la wareysanayey iyo kuwo kale oo ku dhawaa ay ku dhawaaqeen Weedho ay ku soo dhaweynayeen Qaraxa, “Qaraxii labaad imika ayuu dhacay…Allaahu Akbar” ayuu yidhi, ninka Wareysiga laga qaadayey iyada oo ay u jiibanyeen kuwo kale oo la dareemayey inay hool madhan oo hadalka soo celinaya ku sugnaayeen.

Mid kale oo ka mid ah Raggan Idaacaddu sheegtay inay Weerarka fuliyeen oo aan Magacyadooda la sheegin, ayaa isaguna Andulus u sheegay inuu hoolka Shirarka ee huteelka weerarka lagu qaaday uu ku jarjaray buugga Dastuurka Soomaaliya oo yaaley, “Gudaha Huteelku waa amni oo annaga ayaa ku jirna, wax Cadow ah (Ciidan) oo noo soo galay ma jiraan. Anigu waxaan dhex taaganahay hoolka shirarka oo Dastuurkoodii (Dastuurka Soomaaliya) anigaa Gacanteyda ku jeexjeexay.”ayuu yidhi, isagoo hadalkiisa raacinaya Weedho kale oo uu guul ku rajeysanayey.

Mid kale oo Raggaa ka mid ahaa, ayaa isaguna Idaacadda Al-shabaab u sheegay inay weerarka ku dileen Generaal Dhego-badan oo uu ku eedaynayey inuu dhibay Muslimiinta waxaanu yidhi; “Waxaanu dilnay  Dhago-badan oo dhibay Muslimiinta, Cabdirashiid Il-qeyte ayaanu dillay (Mulkiilihii Huteel Saxafi) waxa kale oo meesha ku le’day dad Caddaan ah iyo Xildhibaanno.”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in xoogaggii Al-shabaab ee Hotel Saxafi weeraray ay tiradooda ku sheegtay illaa lix qof la dilay dhammaantood. Weerarka lagu qaaday Huteelka Saxafi ayaa ahayn kii koowaad ee dhaca Muqdisho, balse Al-shabaab ayaa hore weeraro khasaare badan ka dhashay ugu qaaday Huteellada Al-jaziira, Jubba iyo huteelka Central ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo toddobaadkii hore ka hadlayey diyaarad ku dhacday duleedka degmada Afgooye oo dadkii iyo qalabkii saarnaa ay Al-shabaab la wareegtay, ayaa sheegay in aanay hadda Al-shabaab lahayn wax awood ah, balse hadal haynta Warbaahintu awood u yeelayso

Comments are closed