|

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawlada oo Banaanka soo Dhigay Fadeexado Hay’adaha dawladda Somalialnd Dul-hoganaya

Hargeysa  04.Nov 2015 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Maxamed Maxille Boqorre, ayaa dibedda soo dhigay gal-daloolooyin xad-dhaaf ah oo uu sheegay inay ku jiraan Hannaanka shaqaalaysiinta ee dalka, gaar ahaan xarumaha dawladda, waxaanu tilmaamay inay dhibaatooyin badani arrimahaas ka taagan yihiin.

mixile Guddoomiye Maxille oo  hortegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, ayaa Bannaanka soo dhigay Eex iyo Nin Jeclaysi baahsan oo hadheeyey habka Shaqaalaha loo qaato, waxaana uu tilmaamay in Masuuliyiinta Xarumaha dawladdu isticmaalaan Hab aan daahfurnayn oo ay dad gaar ah u shaqaalaysiiyaan.

Mixille waxa uu xusay in Wasiirradu shaqaalaysiinta Sharciga baalmarsan ee ay isticmaalayaan u adeegsadaan Hannaanka loo yaqaanno Temporary-ga (shaqaale aan rasmi ahayn) oo ah Nidaam loogu magac-bixiyo cidkasta oo sifo khaldan lagu shaqaalaysiinayo.

“Wasiirrada Madaxweynahaa iigu yeedhay oo ii shiriyey, waxaanan ku idhi Nimankiinnan Wasiirrada ahoow dad baad iska shaqaalaysiisataan, dadkaasi ma jiri doonaan, nin walba oo Wasiir ahi dad buu meel sii dhiganayaa Temporary lagu sheegayo, kuwaasoo laga yaabo inay isku beel yihiin, taas anigoo horjoogsanaya waxan ku idhi wax temporary la yidhaahdaa ma jiri doono.” ayuu yidhi Guddoomiye Maxillev.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda, ayaa sidoo kale sheegay inay xad-dhaaf noqdeen shaqaalaha dawladda u shaqeeya ee imtixaan la’aanta ku shaqeeya, iyagoo guud ahaan shaqaalaha dawladda marka saddex meelood loo qaybiyo meel ka mid ahi imtixaan la’aan ku shaqaysato.

Mixille oo arrintaas ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Shaqaalaha Tiro-koobkii aannu helnay 15223-qof oo inta imtixaan ku fadhidaa noqotay 9625-qof, Halka 5598-qofna ay imtixaan la’aan ku shaqaynayaan. Dadkana dabada ayuun baa loo qabtay oo waa la iska qoraa.”

“Xarunta Hay’adda shaqaalaha bilaa imtixaanka ah Sawirradoodu ma yaallaan, laakiin kuwa imtixaanka galay waannu haynaa, intii aan joogay Shaqaalaha dawladda waxa ruqsado qaatay illaa 25-qof, kuwaasoo aannu xaqooda siinnay.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Mixille Boqorre.

Waxaanu Guddoomiye Maxille intaas ku daray oo uu yidhi; “Wasaaradda Caafimaadka waxannu ka helnay Dad badan oo Shaqaale lagu sheegayo oo Mushaharka iska qaata, kuwaasoo ama Suuqa iska jooga ama hawlo gaar ah iska wata, kuwaasna waan ruqseeyey.”

Comments are closed