|

Wasiiru-dawle Cusub oo xilka la wareegay kana sheekeeyey dhacdo yaab leh oo uu la kulmay markii la magacaabay

Hargeysa  04.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiiru-dawlaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland u magacaabay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil (Siimoodi), ayaa shalay xilka kala wareegay dhiggiisii hore ee Wasaaraddaas oo loo beddelay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Dr. Maxamed Faarax Ducaale, Eng. Siimoodi ka sheekeeyey laba dhacdo oo yaab leh oo uu la kulmay markii Madaxweyne Siilaanyo xilkaas u magacaabay ka dib.

wareejin
Munaasibad loo sameeyey xil-wareejintaas oo lagu qabtay Huteel Kaah ee magaalada Hargeysa , waxaa ka qaybgalay Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, Xildhibaanno, Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Salaaddiin, Cuqaal, Abwaanno, Siyaasiyiin, Haween, Dhalinyaro iyo Marti-sharaf kale.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Siciid Axmed oo furitaankii Xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu u mahad-naqayo ka qaybgalayaasha Munaasibaddaas ay xilka kula kala wareegeen Eng. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo uu sheegay in xilku ku cusub yahay, balse aanu Wasaaradda ku cusbayn ee uu yahay nin Wasaaradda muddo ka soo shaqaynayey oo illaa heer La-taliyaha Wasiirka gaadhay oo uu xusay inuu Aqoon durugsan u leeyahay hawlaha Macdanta iyo Tamarta, isla markaana ay sii sagootiyaan Wasiiru-dawlihii hore oo hadda noqday Wasiiru-dawlaha cusub ee Maaliyadda.

 

Suldaan Cali Yuusuf (Badda-cas), Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, Xildhibaanno, Agaasimayaal, Xubno ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda iyo Xubno dhalinyaro ah, ayaa iyaguna Munaasibaddaas hadallo duco iyo dardaaran u badan ka jeediyey, isla markaana Allaah uga beryey labada Masuul ee is-beddelay in mid walba xilka loo igmaday oo culayskiisa leh Allaah ku garab-galo oo ay Allaah kaga baqaan oo ay waajibaadka Qaran ee fuulay gutaan, ogaadaanna inay Somaliland oo dhan dhex u yihiin oo xil u hayaan ee aanay cid gaar ah u fadhiyin, iyagoo sidoo kale ku hambalyeeyey xilkaas oo ay tilmaameen in labada Wasiiru-dawlaba yihiin kuwo u qalma xilkaas iyo mid ka sarreeya-ba.

 

Axmed Aadan Cali (Goodir) oo halkaas ka hadlay, waxa uu yidhi; “Aniga oo Oday ah, La-taliye Madaxweyne ah, maanta koow bay ii tahay inaan Xaflad Xil-wareejin ah ka qaybgalo weligay ma tegin. Farxad bay ii tahay inaan ka soo qaybgalo Xil-wareejintan Wasiiru-dawlaha Macdanta iyo Tamarta, Eng. Cabdiraxmaan oo Aqoonyahan dhalinyaro ah awoow baan u ahay, waana nin laba Sandaladood oo dhaqan ka soo jeeda, waxaan ugu ducaynayaa in Xilkaas Illaahay ku asturo oo ku garab-galo oo sidii kuwii ku ceeboobi jiray aanu ku ceeboobin, waxaan leeyahay Hambalyo.”

 

Sidoo kale, Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaadda Macdanta iyo Tamarta Dr. Maxamed Faarax Ducaale, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo beddelkiisa cusub, waxaanu u mahad-celiyey Shaqaalaha kala duwan iyo Masuuliyiinta Wasaaraddaas oo uu sheegay inay si fiican u wada shaqeeyeen mudda uu xilka hayey. “Eng. Cabdiraxmaan-Siimoodi, dardaaran badan siin maayo, sababta oo ah Wasaaradduu ahaa, wuxuu noo ahaa Maamulka Mashruuca Siimoodi, waxaan uga tegay Hadyad qaali ah, magaca Siimoodi la yidhaahdo ayaan u bixiyey markaan Wasaaradda imi, aad buu ayaamihii hore iiga codsaday in aan magacaas ka daayo oo uu wax bixiyo.”

 

“Laakiin, maanta waxa uu ila qiray inuu u baahnaa, sababta oo ah markii la magacaabay laba nin oo kale ayaa Suudhadhkoodii soo iibsaday oo gobollada ka yimi oo Kharash soo bixiyey oo saddexda magacba ay ka siman yihiin, runtii haddii Eng. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil (Siimoodi) loogu dari lahaa cidi iskuma qabsateen. Waxaan Shaqaalaha kula dardaarmayaa inay sidii wanaagsanayd ee ay iila shaqeeyeen iyo si ka sii fiican ula shaqeeyaa Cabdiraxmaan, Cabdiraxmaanna halkaas ka sii wado, waxaanan leeyahay CRaxmaan Illaahay hakuu fududeeyo xilkaas, anigana waxaan leeyahay iigu soo duceeya in Illaahay igu asturo xilka la ii magacaabay.” Sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Maaliyadda ee wareejiyey xilka Wasiiru-dawlaha Macdanta Dr. Maxamed Faarax Ducaale.

 

Sidoo kale, Wasiiru-dawlaha cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Eng. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil (Siimoodi) oo Xafladdaas uu xilka kula wareegay ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey Masuuliyiinta, shaqaalaha, Marti-sharafta Xafladdiisa ka soo qaybgalay iyo Madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay inuu si weyn ugu mahad-celinayo inuu xilkan u gartay isaga, sidoo kalena door fiican siiyey dhalinyarada, waxa kale oo uu u mahad-celiyey Wasiirka Macdanta, Wasiiru-dawlaha xilka ku wareejiyey, Agaasimaha guud ee Macdanta iyo weliba Shaqaalaha Wasaaraddaas.

 

Qiso qosol iyo xikaayaad badan oo intii la magacaabay ka yaabisay ayuu Wasiiru-dawlaha cusub ee Macdanta iyo Tamarta Cabdiraxmaan-Siimoodi ka sheekeeyey, waxaanu yidhi; “Magacan Siimoodi baan ku yar noqonayaa, Naanaysna way isu-bixisaa, naanaystuna ma hadho, Nin aan naanays lahaynina waxa la yidhaahdaa waa Ri’ gees la’. Siimoodi maalintii uu igu yidhi Wasiiru-dawluhu waxaan ku idhi; ‘Wasiir bal aynu faqno oo aynu gooni u wadahadalno, waxa laga yaabaa inaanu magacaasi iga hadhine.’ Laakiin, kamuu hadhin ee meel kasta wuu ka yidhaahdaa, sidaas ayuu igu raacay magacay oo aan ku qaatay.”

 

“Wakhtigii lagu jiray Guclo-orodka ee Nimankii sidii Tusbixii furmay ee yaacay, waatii Boosaskii la soo wada doonay, nin kastaa ninkiisuu iska eegayey, anigu Biyo Bad aan Mawjado lahayn baan ku dabbaalanayey, anigoo halkaas maraya oo ay xaaladdu meel fiican ii marayso, ayey iga soo daba kaceen laba Mawjadood, midi Ceerigaabo ayay igaga timi, midina waxay igaga timi Berbera, mid Ceerigaabo ayuu ka yimi oo illaa Wasaaradda ayuu yimi oo uu yidhi; ‘Xilkaygii…Magacaannu isaga eegaannay oo waxaan ahay Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil’ Hayaay!” sidaa ayuu yidhi Wasiiru-dawlaha Macdantu.

 

Eng. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil oo sii watay sharraxaadda yaabka leh, waxa uu yidhi; “Waan naxoo waxaan idhi taasi waa mawjad! Oo Somaliland-na waxa la yidhaahdaa Siyaasaddeedu waa Fiji miidhan baa la yidhaahdaa, waar tolow arrintan maxaa ku laaban anoo leh. Berbera ayuu nin Xaflad ku dhigtay, Masaakiintaa ka dheragtay isagana Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil baa la yidhaahdaa, waxa u soo raaca Macallin baan ahay oo Jaamacaddaan wax ka dhigaa, isaguna waa Macallin Jaamacadda wax ka dhiga, Masaakiinta ka dharagtay, waa Mawjaddii labaad. Halkaa xaaladdu markay marayso, ayaan idhi Wallaahi Magicii Siimoodi haddii laguu raacin lahaa way ku badbaadin lahayd!.”

 

Wasiirka Wasaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng. Xuseen Cabdi Ducaale oo soo gunaanaday Xafladdaas, ayaa ammaanay Wasiiru-dawlaha cusub iyo dhiggiisa xilka ku wareejiyey, sheegayna inay Wasaarad ahaan dallaceen oo aanay saamaynin is-casilaaddii Wasiirrada iyo Wasiir Ku-xigeennada Xukuumadda Siilaanyo ka dareeray, waxaanu yidhi; “Nimankan aynu xilalka u wareejinayaa niman xurguf siyaasadeed xilka kula kala wareegaya maaha, arrimihii berigii dhawayd dhacay ee Kuraasta badan laga degay annaga Wasaarad ahaan saamayn nagumay yeelan. Laakiin, Wasaaradda Macdantu waannu dallacnay, oo Wasiiru-dawlihii Macdantu wuu dallacay oo waxa uu u dallacay Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, dee halkaasna saaxiib baannu ku yeelannay oo waxaannu odhanaynaa Waraaqahan yaryar ee madmadoow ee hoosta la dhigo bal taayada ka soo saar oo korka soo mari, kkkkk. Ta labaad Aqoonyahankan dhalinyarada ah Eng. Cabdiraxmaan Wasiiru-dawlaha Macdanta ayuu u dallacay, mid saddexaad oo aan dallacaad u aragnana waan ku darayaa oo sandaladdii reerka ayaannu dhabarka saarnay. Markaa, waannu ka bedbaadnay Kuraastaas laga degay.”

 

Sidaa ayuu Wasiirka Macdantu labada Wasiiru-dawle ee is-beddelay xilka ugu kala wareejiyey, waxaanu sagootiyey Dr. Maxamed Faarax Ducaale oo halkaas Shaqaalaha Wasaaraddu ku guddoonsiiyeen Shahaado-sharaf ay ku maamuuseen, waxaanu soo dhaweeyey Wasiiru-dawlaha cusub oo uu sheegay inuu shaqo fiican ka qabtay intii uu joogay iyo Wasiiru-dawlaha xilka wareejiyey oo uu xusay inuu Mashruuc qiimo leh u qabtay Wasaaradda, si hoosena u ogaa shaqaalaha maaddaama oo uu isagu mashquul badan yahay, sidoo kalena rejeeyey inuu Eng. Cabdiraxmaan si fican ugu nasan doono maaddaama oo uu yahay nin Aqoon ahaan Farsamada Macdanta u yaqaan, isla markaana firfircooni iyo karti badan leeyahay.

 

“Mashruuca aan u dhiibay Cabdiraxmaan ee uu Maareeyaha ka ahaa ee Siimoodi ee uu magaca kula baxay, waa Mashruucii ugy horreeyey ee Insha ALLAAH aan jeclahay inuu noqdo wax soo saarka Macdaneed ee ugu horreeya ee dalka Somaliland ka soo bixi doona. Farsamo ahaan, aqoon ahaan iyo siyaasad ahaanna waa nin Wasaaradda u anfici doona oo aan ku nasan doono.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

 

Comments are closed