|

Mudane Xirsi Cali X.Xasan Wasiirkii Hore ee Madaxtooyadda Oo Maanta Xilkii Wareejinaya Iyo Qoddobada la Filayo Inuu Ku Wadaco Xil hayntii Lixda Sanno

Hargeysa  04.Nov 2015 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa saaka lagu wadaa inuu si rasmi ah xilkii wasaaradaas ugu wareejiyo Wasiirka cusub ee madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

XIRSI IYO WADADA
Xaflad balaadhan oo lagu qaban doono xarunta Madaxtooyadda ayuu Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu ku tirin  doonaa xilkii uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka hayay shan sanno iyo dheeraadkii ay jirtay.

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda waxa uu ahaa kaaliyaha koowaad ee madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa lagu majeeran jiray inuu ahaa shakhsi dhalinyarro ah oo karti iyo awood u yeeshay inuu ka soo dhalaalo waajibaadkiisa shaqo.

Xataa dadka siyaasadiisa naqdiyi  jiray ayaa qiray inuu ahaa  masuul muhindis ahaa  oo ikhtiraaci jiray mashaariico waaweyn oo magac u soo jiidi kara Xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Mr. Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa lagu ammaanay inuu ka mid ahaa bud-dhigeyaasha mashruuca ugu weyn ee iskaa wax u qabso ah ee  wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo dhererkeeda lagu qadaray 370KM. waxaanu noqday masuulka kaliya ee calanka u siday dhaqdhaqaaqyadda jidkaasi lagu  dhisayo, iyadoo imika  100km ee ugu horeeyay  ee Jidka Ceerigaabo gabo-gabo ku dhow yahay.

Waxa kale oo Wasiirka shaqada ka tagay uu dejiyay siyaasadda iyo qorshaha lagu dardar-geliyay wakaaladda waddooyinka Somaliland oo  horumar balaadhan ka sameysay waajibaadkeeda mudadii ay ku hoos jirtay wasaaradda madaxtooyadda Somaliland.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ahaa masuul  yididiilo ku biirin jiray Guddiyadda Bulshadda ee  jidadka kala duwan ee dhismahoodu ka socdo Somaliland, sida Jidka dawga Cad ee Jabuuti, wadada Sallaxley iyo jidka Bali-gubadle. Waxa waddooyinkaasi ay ka faa’iidaysteen qorshe uu isagu dejiyay oo ahaa in deegaankii dhista 5km oo laami ahba ay dawladdu ugu darayso kharashka shan kiiloo mitir oo abaal marin ah.

Waddooyinka uu ku guulaystay ee madaxweynaha iyo xukuumadda guud ahaan magaca u soo jiidayna waxa ka mid ah jidka isku xidha Dilla iyo Boorame oo ka mid ahaa himilooyinkii uu juhdiga badan ku bixiyay ee midho dhalay.

Waxa iyana aan laga tagi Karin gaadiidka loogu tallo-galay dhismaha jidadka ee intii uu xukumayay wakaaladda waddooyinka ay xukuumaddu soo iibsatay, taasi oo ah hanti iyo dhaxal weyn oo uu ka tagayo.

Wasiirka xilka la wareegaya oo ah Wasiirkii hore ee Duulista hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isagana la eegi doonaa halka uu dhigo masuuliyadda culus ee qaranka uu u xambaaray iyo jidka Ceerigaabo uu ugu socdo sidii xukuumaddu ugu tallo-gashay iyo in kale.

 

Comments are closed