|

Hay’adda Mucaawinooyinka Sweden oo shaacisay inaanay Aqoonsi la’aanta kaga joogsanayn Somaliland

Stockholm  04.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madaxa waddamada Barriga iyo Galbeedka Afrika u qaabbilsan Hay’adda Horumarka Sweden Gerhard Siegfried, ayaa shaaca ka qaadday in Aqoonsi la’aanta Somaliland caqabad ku tahay xidhiidh dhexmara Hay’adda horumarka u qaabbilsan Sweden, balse xasilloonida ka jirta awgeed laga shaqeyn karo.

 

ednaMr. Siegfried, ayaa sheegay in ammaanka ka jira Somaliland ugu wanaagsan yahay caalamka marka loo eego gobollada ku hareeraysan, waxaanu yidhi; “Maaddaama oo Ammaanka ka jira Somaliland ugu wanaagsan yahay Caalamka, marka loo eego gobollada ku hareeraysan, sida looga shaqeeyo ay sahlan tahay.”

 

Sidoo kale, Gerhard Siegfried waxa uu sheegay in Aqoonsi la’aanta Somaliland, waxay caqabad ku tahay xidhiidh dhex-mara SDC, laakiin xilligan waxa jira xidhiidhna uu dhex-maray Madaxda iyo wada-xaajood, waxaanu yidhi; “Si kasta, xilligan booqasho ayaan ku tagnay, xidhiidh iyo wada-xaajoodna la yeelannay Madaxda Somaliland, sababtoo ah waxaan aamminsan nahay marka loo eego Soomaaliya, oo ku guul-darraystay in kaabayaashii adeegyada Bulshadu shaqeeyaan.”

 

Geesta kale, Adna Aadan ayaa sheegtay in Somaliland guulo badan gaadhay inkastoo uu wakhtiyo adag soo maray, sida lagu sheegay Warbixin Wargeyska Swissinfo.ch, oo ka soo baxa dalka Sweden shalay lagu daabacay. “Waan ku faanayaa dalkayga, waxaan aamminsanahay inuu guulo gaadhay xaalado adag oo soo maray.” ayey sheegtay Adna Aadan.

 

Adna Aadan ayaa yididdiilo ka muujisay Warbixinno Hay’ado kala duwan ku shaaciyeen inay yaraatay dhimashadii Carruurtu xilliga dhalmada, balse ka murugooto aqoonsi la’aanta haysata dalkeeda. “Dhakhtarkayga, marka ninku diido in xaaskiisa qalliin lagu badbaadinayo lagu sameeyo, waxaan u yeedhaa Askari, kuna weydiiyaa ninka inuu saxeexo qoraal uu doonayo in Xaaskiisu dhimato Askariga hortiisa.”

 

Comments are closed