“Haddii Odaygu Hogaamiye Qabiil Isu Dhigay, Khalad Kuma Aha Inuu Yidhaa Halkaa Mara Laakiin…” Siyaasi Siciid Sulub DAAWO
Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guuryaynta ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, Siciid Sulub Maxamed, ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku jiro maalmihii u dambeeyay, intii khilaafku kala irdheeyay siyaasiyiintii isku fikirka ahaa ee Xisbiga kulmiye iyo xukuumadda ku midaysnaa, isla markaana ay meesha ka baxaan wasiiro miisan culus ku lahaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Siciid Sulub oo warbaahinta la hadlay ayaa loolanka kulmiye ku tilmaamay laba tiin oo midi u xagliyay garsooruhu “Laba tiin marka ay kubad wadda ciyaarayaan oo labadda tiin ragii goolasha u dhalinayay iyo ragii difaac ugu jiray, baagagii adkaa uu siidhi walihii dibada dhiggo kuwa kale way farxaan. Nimankii odayaasha ahaa ee meesha ka baxay, waxay uga baxeen madaxweynaha ayaa qoyskooda u yeedhay oo yidhi ciddaa taageera. Markaan dhinac ka eego waa sax inuu yidhaahdo ciddaa taageera, dalkeena laba nidaam ayaa ka shaqeeya, midi waa nidaam qabaliyaa, nidaamnaa waa kii aynu dimuqraadiyadda qaadanay. Nidaamkii dimuqraadiga ahi ma ogola in qolo intay faqdo ay tidhaahdo halkaa aynu maro. Laakiin marka nidaamka qabaliga ah la eego oo laga yaabo in qabiilnimo hore loogu heshiiyay, hadii uu odaygu heshiis hore daba socday oo uu qaab qabilinimo wax u dhigay oo isaguna hogaamiye qabiil isku dhigay, khalad kuma aha inuu ciduu odayga u ahaa uu halka mara yidhaahdo.”ayuu yidhi Siciid Sulub.
Sidoo kale, Siciid Sulub ayaa sheegay in habka ay murshaxiintu u ololaynaysaa tahay hab qabiil.“In dimuqraadiyaddii iyo distuurkii ay uga xuubsiibatay qaab qabil. Qabyaaladdan ceeb kuma ahaa in ay qolo is urursato tidhaahdo halka haynu marno, haddii uu tii fulinayay odayagu reernimo waa sax oo imika xisbiga Kulmiye ku caan baxay oo golihiisa dhexe ku xushay, oo qabil, qabil u kala fadhiyaan.”ayuu yidhi Siciid Sulub.