Sacabkii Ugu Weynaa Oo U Dhacay Xirsi X Xasan Xafladdii Xilwareejinta W.Hawlaga Guud
Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Xafladdii Shalay lagu qabtay Maansoor Hotel Hargeysa ee ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirka cusub ee Hawlaha Guud Cali Mareexaan iyo wasiirkii todabaadkii hore iska casilay wasaaraddaasi Cabdulrizaaq Khaiif ayaa mar allaale markii makrafoonka laga yeedhiyey inuu soo galay hoolka wasiirkii horee madaxtooyada Xirsi Xaaji Xasan ayaa waxa u dhacay sacab xoog leh oo cabaar socday .
Dadka hoolka soo buuxiyey oo u badnaa dhalinyaro reer Hargeysa ayaa markii dambee xafladdu dhamaatay Xirsi salaan ku boobay waxaanay sii galbiyeen ilaa baabuurkii uu fulayey taasoo xubnihii halkaas ku sugnaa ee matalayey xukuumada Kulmiye laga dareemayey waji-gabax ay kala kulmeen soo dhaweyntan layaabka leh ee Xirsi.
Badiba Wasiiradii Iska Casilay Dhawaan Xukuumadda Siilaanyo ayaa Xil wareejimaha loo Sameeyay Waxay kaga qayb galaan Qaab Xulufaysi ah.