|

“Wasaaradda Ciyaaruhu Maa Waxay Tartanka U Baajisay, Maroodi-jeex Baa Tartankii Ka Hadhay…” Kabtanka Xulka G.Maroodijeex Mr, Dhay Lo’aad

Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)-  Kabtanka xulka gobolka Gabiley Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad, ayaa cambaareeyay qaabka wasaaradda ciyaaruhu u tahli wayday inay dib u bilowdo tartankii koobka Goboladda. Isla markaana wuxuu sheegay in wasaaradda ciyaaruhu tartanka u bilaabi wayday markii ay soo hadhay xulka gobolka Maroodi-jeex, waxaanu sheegay in xulka Maroodi-jeex hadhitaankoodii lagu abaal marayay inay ciyaar saaxiibtinimo la ciyaaraan koox ka socota dalka Jabuuti.

Dhay Lo’aad wuxuu sidaa ku sheegay mar uu shalay la soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, waxaanu yidhi “Wasaaradda ciyaaruhu maa waxay tartanka u baajisay, Maroodi-jeex  baa tartankii ka hadhay. Balse sannadkan xulka gobolka gabiley waxa u qorshaysan inuu ku guulaysto tartanka koobka goboladda. Waayo xulka gobolka gabilay wuxuu si xawaaro leh u soo jiidhay xulal awood leh.”Ayuu yidhi Kabtan Dhay Lo’aad

Kabtan Cabdiraxmaan Dhay Lo’aad wuxuu saluug ka muujiyay qaabka wasaaradda ciyaaruhu ugu xaglinayso gobolka Maroodi-jeex isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Wasaaradda ciyaaruhu waxay u xaglinaysa G. Maroodi-jeex oo ay ku abaalmarinayso markii ay awoodoodii shaqayn wayday inay ciyaar saaxiibtinimo ah la ciyaaran xul ka socda dalka Jabuuti.”

 

Comments are closed