Hindise ka dhex Socda Xisbiga Kulmiye oo La rabo in Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Dib loo Dhigo Iyo Saylici oo Furka Tuuray
Hargaysa 03.Nov 2015 (SDN/QJ)- Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa cadho furka tuuray ka dib markii uu ogaaday inuu jiro hindiise xisbiga Kulmiye dhexdiisa laga hadal hayo oo ah in dib loo dhigo doorashada cidda noqonaysa murashaxa xisbiga ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka oo ajendhaha kalfadhiga Golaha dhexee Kulmiye ee qorshaysan inuu qabsoomo 10-ka bishan November uu ku koobnaado doorahada murashaxa mansabka madaxweynaha ee xisbiga.
Ma jiraan xogo rasmi ah oo xaqiijinaya hindisahan iyo sababaha khalifay toona hasa yeeshee waxa la aaminsanyahay inuu dabada ku hayo suaalo wali ka taagan suurtogalnimada in Cabdiraxmaan Saylici xubnaha golaha dhexe ka heli karo cod ku filan inay isaga guusho raacdo marka la eego tartanka loogu jiro cidda noqonaysa murashaxa xisbiga ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka doorashada 2017 .
Saylici oo madaxweyne-ku-xigeen ugu qornaa murashaxa madaxweynaha Muuse Biixi ayaa waxay murshaxnimadiisii cidhiidhi gashay markii uu dhawaan Siyaasiga shacbiyadda balaadhan ee Saleebaan Xaglo Toosiye ku dhawaaqay inuu isna u tartamayo murashaxa xisbiga ee jagada madaxweyne-ku-xigeenka ee Saylici doonayey inuu mar labaad qabto.Waxa kale oo soo kordhay siyaasiyiin ay Saylici ka soo wada jeedaan gobolka Awdal oo iyaguna damacsan inay la soo galaan tartanka amaba ku doodaya in isaga lagaba reebo tartanka oo xisbigu iyaga ku kasban karo codad aad uga faro badan inta uu Saylici ka heli karo gobolkooda xilga doorashada madaxtooyada iyo wakiilada ee 2017.
Mr Xagle Toosiye ayaa isagu ah mrashax madax banaan mana jiro murashax madaxweyne oo uu ku-xigeen ugu magacaabanyahay.