Wasiirka Cusub ee Waxbarashada oo Si Diiran Loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama Iyo Ujeedada Socdaalkiisa DAAWO
Boorama 02.Nov 2015 (SDN/QJ ) –Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane “C.laahi Dheere” ayaa shalay Galabsi diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.
Wasiirka Waxaa Duleedka Magaalada Boorama kaga hortagay Xubno Isugu Jira Wasiiro,Gudoomiyaha Gobolka Awdal iyo Bulsho weynta ku dhaqan Magaalada Boorama.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Iyo Tacliinta Sare Mudane C.laahi Ibraahin Habane ayaa uga Mahadceliyay Madaxda iyo dadweynaha soo ku soo dhaweeyey Magaalada Boorama Waxaanu sheegay inuu ka Mid noqon doono Xubnaha ka shaqeeya Horumarinta Waxbarashada Somaliland .
Gudoomiyaha Gobolka Awdal iyo Dadweynaha kale ee soo dhawaynayay ayaa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland uga mahadceliyey Magacaabista Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ka Mid ahaa Shakhsiyaadkii qaybta Weyn ka soo qaatay Hawlgaladii nabadaynta iyo Horumarka Somaliland.
Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Waxbarashada C.laahi Ibraahin Habane C.laahi Dheere ayaa ka hor intii aan Xilkan loo Magacaabin Waxa uu ahaa Xoghayihii Guud ee Golaha Guurtida Somaliland.