|

Cod bixinta Doorashada Baarlamaanka Dalka Turkiga Oo Loo Dareeray

Ankara,1Nov,2015(QJ/SDN)-Maanta oo Axad ah wadanka Turkey waxaa loo dareerayaa doorashada golaha shacabka (Baarlamaanka), waa aqalka ugu sareeya ee wadankan, 550 kursi ayaa loo codeyn doonaa cidda ku fariisan doonta, ku dhawaad 57 Million oo dad ah baa la filayaa inay dhiibtaan codkooda, 50.7% dadkaasi waa dumar, 75 Million oo sanaadiiqda codadka ah ayaa la asteeyay, 385,000 oo ciidan ah na waxaa loo diyaarshay amniga.
turkey

Doorashadan oo ah ku celis ayaa timid kadib markii doorashadii hore ee bishii lixaad sanadkan la waayay xisbi hela 276 kursi, si uu usoo dhiso dawlad aan wadaag ahayn, sidoo kalena axsaabtu waxay ku guul dareysteen wada hadal 5 bilood qaatay oo lagu doonayay inay soo dhisaan dawlad wadaag ah.

Markale ayaa 4-ta xisbi ee ugu waaweyn uu midkasta doonaya inuu helo tirada ugu badan oo uu ku soo dhisi karo dawlad aan wadaag ahayn, waxaa la sadaalinayaa markale in xisbiga AKP ee wadankan soo hogaaminayay 13 kii sano ee u danbeysay uu heli doono kuraasta ugu badan, waxaase la hubin inay heli doonaan tiro ku filan oo ay dawlad kuso dhisan karaan, doorashadii hore waxaa ka dhimanayd 18 kursi si ay uso dhisaan dawlad aan wadaag ahayn, waxaa loo badinayaa inay heli doonaan tiro ku filan.

dhinaca kale qurbo joogta ayaa sanadkaan codkooda dhiibanaya, inkabadan 1 Million oo qurbo joog ah baa codkooda dhiibtay 5 tii berri ee lasoo dhaafay iyagoo jooga wadamada ay ku nool yihiin, natiijada doorashada waxay soo baxaysaa muda 24 saac ah gudahood.

Comments are closed