|

Khasaaraha ka Dhashay Weerar Qorshaysan oo Ururka Alshabaab Saaka ku qaaday Huteel Saxaafi ee Magaalada Muqdisho- SAWIRRO

Muqdisho,1Nov,2015(QJ/SDN)-Ugu yaraan 12 qof ayaa oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo milkiilihii hotel Saxafi ayaa ku geeriyooday, in ka badan 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar Al-shabaab ay saaka ku qaadeen dhismaha Hotel Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa ku billowday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiya ayaa lagu jabiyay albaabka hore ee hoteelka, iyadoo markaas kaddibna ay kooxo hubeysan gudaha u galeen hoteelka.

“Kooxaha weerarka qaaday gaadhi miineysan ayay albaabka hoteelka ku jabiyeen, markii uu qaraxu dhacayna waxay gudaha u galeen hoteelka, iyagoo illaa hadda ay ku jira hoteelka gudihiisa,” sidaas waxaa yidhi C/rashiid Daahir oo ka tirsan saraakiisha dowladda Somalia.

Sarkaalka oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Innagu illaa hadda waxaan ognahay inay ku dhinteen weerarkan 12 qof, balse ma sheegi karo sida ay kala yihiin.” Wuxuuna weerarkan ku tilmaamay mid lagu carqaladeynayo amniga Muqdisho.

Dadka ku dhintay weerarkan ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Somalia, milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Il-Qayte iyo abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhego-badan] iyo wariyeyaal ka tirsan idaacadaha Muqdisho qaarkood.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ayaa sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka ayna xoogagooduna ay weli ka dagaallamayaan gudaha hoteelka Saxafi, inkastoo aanay sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

“Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeennu ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Somalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulay,” ayuu afhayeenka Al-shabaab Sh. C/casiis Abuu-Muscab ku sheegay hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Sidoo kale, Sheekh Abu-Mucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha Hoteel Saxafi, inkatsoo aanu sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan, isagoo ka mid noqonaya weerarro dhowr ah oo sannadkan oo keliya lagu qaaday hoteello dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa ku dhow xarunta dambi-baadhista booliiska Somalia ee CID, iyadoo la xidhay waddada marta halkaas, ciidammo badanna ay dhooban yihiin agagaarka hotel Saxafi.

Ugudanbeyntii. Ciidamada nabadsugudda dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in lasoo af-jaray weerarkii saacadaha qaatay ee lagu aroortii hore ee saaka lagu qaaday hotel Saxafi oo ku yaalla Isgoyska KM-4 ee Muqdisho.

Warbixin kooban oo lasoo dhigay hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda dowladda Somalia ay ku leedahay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in dhamaan kooxihii lasoo weeraray la dilay, howlgalkiina lasoo gunaanaday.

Inkastoo aanay weli hay’adaha amniga dowladda Somalia soo saarin warbixin ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo wararkii u dambeeyay ay sheegayaan in weerarkan ay ku dhinteen 12-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan labaabtan qof.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa isagana hadal uu warbaahinta Muqdisho siiyay ku sheegay in lasoo afjaray howlgalkii Hotel Saxafi, xaaladda hoteelkuna ay deggen tahay.

Ma sheegin wasiirku khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, waxaana weerarkan noqonayaa midkii labaad ee ugu xoogga badnaa oo Muqdisho ka dhaca sannadkan 2015-ka.

QJ/SDN:Hargeysa

Comments are closed