|

“Luuq-luuqyo Madow iyo Meel Madow Iyo Guryo La isku Xidho Ma Dhacayso.” Abiib Timo Cad DAAWO

Abiib ShalayHargaysa 31.Oct 2015 (SDN/QJ) Wasiirkii hore ee xukuumadda Madaxweyne siilaanyo ee Wasaaradda warshadaha Somaliland Abiib Timacad, oo ka hadlay munaasibad uu soo abaabulay markii uu ahaa Wasiirka maaliyada ahaa Cabdicasiis Samaale oo ka dhacday huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa goobtaas ka jeediyey weedho hanjabaad ah oo uu ku ganayey Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenka Maxamed Kaahin Axmed, isla markaana xilligaasi waxay ahayd waqtigii uu awooda badan kulahaa Cabdicasiis Samaale dawladda Madaxweyne Siilaanyo.

Sidoo kale waqtigaas waxa ku gacan sareeyay awooda xisbiga Kulmiye Garabka Wasiiradda uu Madaxweyne Siilaanyo ka masaxay dawladiisa, balse xilligaas waxa uu xidigu ku fooraray, waqtiga iyo waayuhuna ku fool adkaa, hurdo iyo laba indhood isku qaban oo maalin iyo habeen-ba u hayd feker iyo walba-haar Guddoomiyaha xisbi-xaakimka talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye ku-xigeenkiisa maxamed Kaahin Axmed, kuwaasoo ay caydhsanayeen Wasiiradda maanta xidiga dirirku ku fooraro ee sida hal daba la is wada casilay.Inkastoo maanta hogaanka Kulmiye farxad sacab iyo ciyaar jiibinya isla wada heleen ay tumanayaan, kana soo doogsadeen abaartii ku daba dheeraatay ee xumayd.

Hase yeeshee xaalka adduun ayaa maalin-ba nin-na way ku foorarsataa, nin-na calankiisa ayaa taagan oo waqtiga ayaa la shaqaynaaya, balse muuqaalkan Abiib Timad ayaa ah mid tilmaamaaya shakhsiyadiisa, laakiin waa cashar ka mid ah ama ka turjumaaya aqoon darada siyaasadeed ee Abiib, kaasoo afkii uu shalay dad weynaha hortooda ku amaanayey Siilaanyo, maanta wakaas cabaadka iyo baroorta ka dhamaatay, waana weedho lagu xasuusan doono.

Comments are closed