Guddida Doorashooyinka Dalka Tanzania Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Doorashadii Madaxtinimada
Hargaysa 30.Oct 2015 (SDN/QJ)- Guddida doorashooyinka dalka Tanzania ayaa ku dhawaaqay maanta in murashaxii xisbiga talada Tanzania haya ee CCM, John Magufuli uu ku guuleystay doorashadii madaxnimo ee dalkaas ka dhacday.
Magufuli ayaa ku guuleystay 58.46% codadkii la dhiibtay, halka murashaxii la tartamayay ee mucaaradka, Edward Lowassa uu isna helay 39.97% codadkii la dhiibtay, inkastoo uu ku gacan-sayray natiijada ay guddiga doorashooyinku ku dhawaaqeen.
Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Chadema, Lowassa ayaa ku doodaya inuu helay natiijo ka badan tan ay guddiga doorashooyinku shaaciyeen, isagoo xusay inuu helay codad gaaraya 62%.
Axaddii la soo dhaafay ayaa waxaa Tanzania ka dhacay doorashooyin lagu soo xulanayo, xildhibaannada dalkaas, madaxweynihii waddanka hoggaamin lahaa iyo weliba xubnaha golayaasha deegaanka, iyadoo doorashadan ay tahay mid u ah taariikhi dalka Tanzania.
Madaxweynaha Tanzania ee xilligaan, Jakaya Kikwete oo dalkaas xukumayay laba xilli oo min shan sannadood ah ayaa xilka ka dagaya marka lasoo gaba-gabeeyo doorashada.
Xisbiga xukuma Tanzania ee CCM ayaa wuxuu wajahayaa markii ugu horreysay caqabado waaweyn muddo 20-sanadood ah, isagoo lumiyay kuraastii uu ka heli jiray baarlamaanka intooda badan.
Horraantii toddobaadkan ayuu sheegay guddiga doorashooyinka jasiiradda Zanzibar inaan lagu kalsoonaan karin natiijada doorashooyinka, isagoo taas sabab uga dhigay in rabshado waaweyn oo dhanka cod dhiibashada ah ay ka dhaceen jasiiradda. iyadoo guddoomiyaha guddiga doorashooyinka jasiiradda Zanzibar, Jecha Salim uu ku sheegay hadal uu jeediyay in doorashooyin cusub laga sameeyo jasiiradda.
Dhinaca kale jasiirada Zanzibar oo maamulkeedu gaar u yahay ayaa waxay u codeynayeen doorashada guud ee madaxnimada Tanzania, waxayna shaki geliyeen natiijada doorashadii dhacday Axaddii lasoo dhaafay.
Ugu dabmayn safaaradda Mareykanka ee dalka Tanzania ayaa walaac xooggan waxay ka muujisay dhaqaawa kasoo yeeray maamulka jasiiradda Zanzibar ee la xiriirta doorashadii madaxnimo ee Tanzania.