Xidlhibaan Cabdiraxmaan Dheere iyo Axmed Kijaandhe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Raaligaliyay Hadalo Deel-qaaf ku Ah Oo Ay Saxaafadda U Mariyeen.
Hargeysa,30Oct,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka mid ah musharaxiinta shaaciyay in ay u taagan yihiin tartanka musharaxnimada Madaxweyne ee xisbiga Kulmiye, ayaa Madaxweynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuuud (Silaanyo), raaligelin ka siiyay ereyo deelqaaf ah oo ay cadho ka keentay oo ay warbaahinta u mariyeen , kuwaas si aan ku talo gal ahayn uga soo yeedhay labadan masuul, sidaana waxa ay ku sheegeen mar ay goor dhawayd si gooni gooni ah ay ugu waramayeen shabakadda wararka Hadhawanaag.
Ugu horeyn. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, oo arrintan ka hadlaya waxa uu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi. “Waxaan doonaya inaan halkan ka saxo hadal aanan u qastiyin oo si kama’ ah ama aan ku talo gal ahayn iiga baxay, kaas oo aha Weedho aan u cuntamin Madaxweynaha. Runtii Madaxweyne Axmed Silaanyo ixtiraam iyo qadarin ayaan u haya, waxaan kamid ahay dadka Tariikhda dheer la wadagaa, marxalad kastana sharaf iyo karaamo ayaan u hayay, marka xaal iyo raali galin ayaan ka sii naya hadalkaas wuxuu aha mid xaraarada Siyaasaddu sabab u ahay, maadaama hadda aanu dhaliilsanahay qaabka Shirka Golaha dhexe loo agaasimay, taas anoo ka hadlaaya ayuu xayraanku ila jiidhay markale iyo boqol jeerba hadalkaas waan saxaya wax aan xushmad iyo wanaag ahayna uma hayo Madaxweynaha.” Sidaa waxaa hadalkiisa ku soo gebo gabeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.
Dhinaca kale, Xildhibaan, musharax Axmed Cabdi Kijaandhe, oo isna raali galin taas la mid ah ka hadlaya ayaa yidhi,
“Waan ka raali galinaaya Madaxweynaha wixii aan u cuntamin ee xanaaqu naga keeno, runtii arrin adag weeye Markaad Musharax tahay ee Xisbigaad u soo halgantay ka tahay ee haddana aad Cadaalad ka dhex arki weydaan adiga iyo Tageerayaashaduba, taas uunba xayraanka keentay lakiin Madaxweynuhu waa Saxiibkay KULMIYE waanu wada aasaasnay, intii dawladdu jirtayna waan barbar taagna dee wixii aan ka filanaayay hadda ka hadli maayo lakiin hadalkaas ama weedhaas isaga iyo cidii dhibsatayba waan ka raali galinaya.”.
Xaraarada iyo Muranka Xisbiga KULMIYE oo hadda maraaya meel xaasaasi ah, ayaa siyaasiyiinta Khilaafku ka dhaxeeyo ee Xisbul Xaakimka waxa maal mihii u danbeeyay laga arkaayay kala durugsanaan xooggan, balse raaligalinta Madaxweynaha ee labadan Masuul oo ka mid ah Garabka Mushraxiinta iyo Wasiiradii Iscasilay, waxay cadayn u noqonaysa in aanu khilaafku u dhaxaynin Madaxweynaha iyo xubnaha KULMIYE balse ay si weyn isu hayaan labada Garab ee ay kala Hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga iyo Labadiisa ku-xigeen oo ka shanaya saddexda Musharax ee Cabdicasiis Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Kijaandhe.