|

Waa Kuma Gudoomiyaha Cusub ee Congress ka maraykanka loo doortay Paul Davis Ryan ?

Washington 30.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wuxuu ku dhashay magaalada Janesville, Wisconsin, 29 January 1970 kii.waana gudoomiyii ugu da da yaraa ee soo mara Congress ka dalka maraykanka in ka badan 150 sanadood.
Ryan yaraantiisii wuxuu galay dugsi Catholic School ah oo ku yaala magaalada Janesville ee gobolka Wisconsin. Dgsigiisii sarena Joseph A. Craig High School oo isla magaaladaa ku yaala.
Jaamacadaha wuxuu wax ka dhigtay dhaw jaamacadood oo ay ka mid yhiin Miami University iyo Oxford, Ohio, oo uu ka dhigtay economics and political science.
12193341_643153769160895_3258480221934610993_nPaul Ryan wuxuu aqalka wakiilada maraykanka ka tirsana ilaa 1999 kii xiligaasi oo ay dadkiisu ka yarayd 30 jir.
Ryan wuxuu bartay dhaqaalaha iyo Siyaasada ((PoliticalScience)) waana nin fir fircoon, dedaal badan dadkana aad u kasbada, wuxuu doorasho isku soo taagay tiroba 8 jeer oo uu 7 ka mid ah u tartamay aqalka wakiilada oo uu ku guulaystay, halka uu anadkii 2012 kiina u tarmayay xilka madaxwayne ku xigeenka maraykanka oo xisbiga jamhuurigu u masharaxeen madaxwayne ku xigheenka, halka uu madaxwayne na u tartamayay Mitt Romney.
Wax yaabaha aad loogu xusuusto waxa ka mid ah ololihii la dagaalanka sabool nimada guud ahaan maraykanka oo uu 2013 kii socdaal ku marayay meelaha ay degen yihiin dadka dhaqaalohoodu hooseeyo ee gobolada kala duwan, xiligaasi oo uu warbixin dheer ka soo saaray sanadkii 2014 bishii April.
Paul Ryan wuxuu ka tirsanaa gudiga dejinta miisaniyadda ee aqalka congress ka oo uu markii dambena gudoomiye u noqday sanadkii 2011 oo uu ilaa hada hayay jagadaasi.
Ryan Aaabihii wuxuu dhintay isagoo 16 jir ah, intaa wixii ka dambaysay ilaa uu wax barashadiisa jaamacadeed ka dhamaysanayay wuxuu ka soo shaqeeyay shaqooyin kala duwan oo qaar kood aad u hooseeyeen, balse markasta wuxuu lahaa han sare iyo dedaal aan joogsi lahayn.
Paul Ryan wuxuu haatan degen yahay gobolka Wisconsin ee u isaguna ku dhashay wuxuu lee yahay xaas Janna Little oo uu guursaday 2000 waxaanay dhaleen sadex caruur ah oo la kala yidhaa Liza, Charles, and Sam.

Comments are closed