Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Wakiilka IGAD U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya.
Hargeysa,29Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka mid ah urur goboleedka IGAD.
Sida uu Warbaahinta qaar ka mid ah u sheegay xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse Hogaamiyaha xisbiga Ucid waxa uu kulan gaar ah la qaatay wakiilka somaliland iyo somaliya u qaabilsan urur goboleedka Igad Maxamed Cabdi Afay, kaas oo ay ka wada hadleen arimo la xidhiidha danaha somaliland.
Kulanka dhex maray gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo wakiilka urur goboleedka Igad u qaabilsan Somaliland iyo somaliya ayaa la sheegay in si gaar ah ay kaga hadleen arimo la xidhiidha nabad galyada, horu marka iyo dhaqaalaha somaliland.
Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee uu gudoomiyaha xisbiga Ucid la yeesho xubno ka mid ah urur goboleedka Igad gaar ahaana wakiilka u qaabilsan somaliland iyo somaliya.
Sidoo kale labadan masuul ayaa ka wada hadlay xaalada wadamada Geeska Afrika ay haatan ku sugan yihiin iyo sidii looga wada shaqayn lahaa horu markooda.