|

‘’Madaxweyne In Miyirkaagu Dhanyahay iyo In Aanad Dhamayn Makala Garanayno..’’ Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere.

Hargeysa,29Oct,2015(QJ/SDN)-Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Dheere) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland kana mid ah xildhibaanada Xisbiga KULMIYE ayaa markii ugu horreysay ka hadlay iscasilaadda wasiirada iyo khilaafka xisbiga Kulmiye, xildhibibaanka oo Hargeysa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in madaxweyne siilaanyo la saftay garab ka mid ah labadii garab ee ku loolamaayay xisbiga kulmiye isagoo weliba xusay in madaxweynuhu ka hiiliyay garabkii isaga la safnaa ee u hiilinayay ‘’Waxa mar kaliya dhacday in madaxweynihii oo jinaax (dhinac) gudoomiye u ah uu mar kaliya intuu ka dhaqaaqo uu ku biro kuwii looga hiilinaayay, waana sababta ay ku  timid in wasiirada  mudada faraha badan madaxweynaha dhiniciisa ka dagaalamayay ee uu godobta galiyay  ee uu ku hayay kursiga muddada intaan leeg in uu maalin kaliya ka dhawaaqo..’’ ayuu yidhi xildhibaan Cabdiraxmaan dheere

Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa geesta kale xusay in madaxweyne Siilaanyo ka baxay dhex-dhexaadnimadii isagoo weliba su’aal galiyay in madaxweynaha miyirkiisu dhanyahay iyo inkale markale xildhibaanku waxa uu yidhi isagoo arrintaasi ka hadlaya ‘’Madaxweyne dhex baa lagaaga baahnaa inaad noqoto, dhexdii laguguma hayo, in miyirkaagu dhanyahay iyo inaanad dhammeyna ma kala garanayno , su’aalo faro badan baa naga kaa saran, waayo? Maalin walba waxbaad ku hadlaysaa, maalinta ku xigtana waxbaad ku hadlaysaa, maalinta saddexaadna waxkalaad ku hadlaysaa, waxaanu leenahay xisbigii adigaa gacantaada ku burburinaya, adaa gacantaada ula tagay inaad ku burburiso..’’

Ugu danbeyntii, xildhibaanka ayaa sheegay in garabkoodu ay rabaan in ay xisbiga kusoo celiyaan dimuqraadiyadii iyo kala danbeyntii uu xisbiga lahaa,  balse aanay rabin in ay xisbiga burburiyaan.

Si kastaba ha ahaatee hadalkan maanta kasoo yeedhay xildhibaan Cabdiraxmaan dheere ayaa noqonaya kii ugu kululaa ee uu abid warbaahinta u mariyo madaxweyne siilaanyo.

QJ/SDN:Hargeysa

 

Comments are closed