|

Wasiirkii Ciyaaraha Ee Iscasilay Oo Maanta Loo Dhaariyay Ka Mid Ahaanshaha Golaha Wakiilada Somaliland

unnamed (7)Hargeysa,29Oct,2015(QJ/SDN)-Mudane Axmed Cabdi Kaahin oo hore u ahaan jiray wasiirka Ciyaaraha Somaliland ayaa maanta loo dhaariyay inuu noqdo xubin ka tirsan Golaha Wakiiladda Somaliland ka dib markii uu maalinkii shalay  iska casilay xilkii wasiirnimo.

Dhaarinta Mudanahan ayaa ka dhacday Maxkamadda Sare ee Somaliland ka dib markii uu Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali  maanta Xafiiskiisa ku dhaariyay.

Mudanahan ayaa bedelaya Mudane Maxamed Barkhad Miigane oo ka mid ahaa Golaha Wakiiladda Somaliland oo geeriyooday badhtamihii sannadkan, isla markaana Mudane Axmed Cabdi Kaahin ayaa noqonaya Mudanaha bedelaya mudanaha geeriyooday oo ay ka wada tirsanayeen xisbigii UDUB.

Xildhibaankan cusub oo ku soo biiray Golaha Wakiiladda Somaliland, kaas oo ah mudane Axmed Cabdi Kahin Wasiirkii hore ee wasaarada Ciyaaraha Somaliland, oo buuxiyay xubinimadii ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane Xamaal oo dhawaan geeriyooday.

Xildhibaan. Axmed Cabdi Kahin, oo xiligan ku jiray kaydka koowaad ee Murashaxiintii doorashadii Wakiiladda ee xisbigii UDUB gobolka Salal.

Gudiga Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamada sare ka dalbaday dhaarinta xubinimada baarlamaanka ee uu buuxiyay sida sharciga xeerka doorashooyinku dhigayo.

 

 

Comments are closed