Burji Siyaasadeedka Saddex Cali Oo Madaxweynuhu Xilal u Magacaabay Iyo Qorshe Ay Hal Mar Ku Dallaceen Saddex Masuul
Hargaysa 28.Oct 2015 (SDN/QJ)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu buuxiyay oo magacaabay siddeed ka mid ah xilalkii ay baneeyeen xubnihii Golaha Wasiirrada iyo afhayeenkii madaxtooyadda ee Isniintii todobaadkan isku casilay sababo la xidhiidha xanafta loolanka murrashaxiinta madaxweynaha iyo madaxweyne Ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa ee lagu wado inuu ka dhaco 10-ka Bisha November ee fooda innagu soo haysa.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu xilalkii la baneeyay u magacaabay masuuliyiin xilal ka hayay Xukuumadiisa oo uu dalac siiyay, waxa kaliya oo aan hore xukuumadda ugu jirin Eng. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Dayr) oo loo magacaabay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland iyo Xildhibaan Cali Xasan (Cali Mareexaan) oo ka tirsanaa xildhibaanadda aqalka wakiiladda oo loo magacaabay Wasiirka cusub ee Hawlaha Guud iyo guriyaynta.
Madaxweyne waxa uu dhiirigeliyay masuuliyiintii la shaqeynaysay qaarkood oo uu u magacaabay mansabyo ka sareeya kuwii ay hore u hayeen, arrintaasi oo ah tallaabo ku cusub inuu dhawr masuul hal mar dallacsiiyo.
Waxa ka mid ah masuuliyiinta xilalka sare loo magacaabay Wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Kenya Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali-shoombe), oo laga dhigay Wasiirka Cusub ee Qorshaynta Qaranka. Waxa isna dalacay oo laga dhigay Wasiirul dawlihii Nabadeynta Gobollada Bari Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandulle) oo loo dhiibay Wasiirka cusub ee shaqadda iyo arrimaha Bulshadda.
Wasiirul dawlihii Maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, ayaa isna ku soo baxay Wasiirka cusub ee duulista hawadda iyo gaadiidka cirka.
Wasiir Ku xigeenkii Maamulka gobollada iyo degmooyinka ee wasaaradda daakhiliga Axmed Faarax Cadarre, ayaa isna loo igmaday inuu noqdo Wasiirka cusub ee Cadaalladda iyo arrimaha garsoorka. Halka Wasiirkii duulista iyo Wasiirkii Qorshaynta iyaga loo wareejiyay uun Wasaarado kale.
Waxa iyana masuuliyiintan la magacaabay Ku jira Saddex xubnood oo la yidhaahdo Cali, oo iyagana burjigooda uu xukuumadda ka dhex muuqan doono.
Dad badan ayaa soo dhaweeyay in Madaxweynuhu uu Golihiisa xukuumadda uun markii u horeysay Masuuliyiin xilal hayay u dhiibay xilal ka sareeya masuuliyadahoodii.