Maxaa ka taqaan guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir?
Muqdisho 28,Oct 2015 (SDN/QJ)- Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho loogu magacaabay Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka tirsan xisbiga madaxweynaha, muddo dheerna loo saadaalinayay inuu xilkan qabto.
Sheekh Yuusuf wuxuu ka soo jeeda gobolka Banaadir, wuxuuna in muddo ah ku noolaa dalka Masar, halkaas oo uu ku diyaariyay waxbarashada shahaadada heerka labaad ee Master-ka.
Sheekh Yuusuf ayaa lagu tilmaamaa mas’uul ‘howlkar ah’ oo xilliga adag ka gudbin kara shacabka Soomaalida gaar ahaan kuwa Muqdisho, isla markanaa soo celin kara sharaftii iyo haybadii ay lahayd caasimadda dalka ee Muqdisho.
Magacaabidda guddoomiyaha cusub ayaa dadka reer Muqdisho ay soo dhoweeyeen in kastoo la dhawrayo waxqabadka uu la yimaado.
Waa guddoomiyihii saddexaad oo muddo saddex sano gudahood loo magacaabo gobolka Banaadir, waxaana xilka uga horreeyay guddoomiyihii hore Maxamud Axmed Nur Tarsan iyo guddoomiyaha uu hadda beddelay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.