|

Burco:Dhacdo Murugo Leh Waa Gabadh Yar oo Hooyadeed aan arag Mudo 24 Sanno ah ‘’ Hooyadey baan Rabaa’’ DAAWO

gabadh hooyadeed la'aBurco 28.Oct 2015 (SDN/QJ)- Waa Dhacdo Saamayn ku Yeelanaysa Qof kasta oo Daawada Waa Muuqaal ka Turjumaya Duruufaha Bulshada Somaliyeed ay ka dhaxleen Dagaaladii Iyo Colaadihii Wehelka la Noqday.

Magaalada Burco Waxaa lagu daadiyey Waraaqo Baafin ah oo ay Ku Qoran Yihiin Kuna Sawiran Tahay Ayaan C.laahi C.qaadir Waxay rabtaa Cid u sheegta Hooyadeed oo lagu Magacaabo Shamsa Xasan Cige.

Ayaan C.laahi Waa 24 Jir Maanta Waxay Sheegtay in Hooyadeed ay ugu danbaysay iyadoo da’deedu yar tahay ,Waxay Intaas ku dartay in Aabaheed uu ku Geeriyooday Magaalada Boosaaso,Sidoo kale Ayeydeed oo Soo Korisay ayaa Magaalada Burco ku Geeriyootay.

Weriye  Cabdimaalik muuse coldoon oo ku Sugan Magaalada Burco ayaa Gabadhan yar ka diyaariyey Warbixintan.

 

 

 

Comments are closed