|

Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre oo ku dhawaaqay is casilaadiisa DHAGAYSO

Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Prof. Faarax Cilmi Geedoole ayaa iska casilay xilkii uu qaranka u hayay. Wasiirka ayaa telefishanka Startv u sheegay in gabi ahaanba xilkaasi iska casilay.

geedoole9-258x180
Prof Geedoole, ayaa ah musharax u taagan jagada Madaxweyne xigeenka ee Xisbiga Kulmiye, taasi oo la filayo in lagu doorto shirka golaha dhexe ee Kulmiye ee loo qoondeeyay inuu qabsoomo 10-ka bisha fooda inagu soo haysa.

Iscasilaadda Geedoole, waxay qayb ka tahay qorshaha ilaa 12 wasiir, wasiir xigeen, agaasime iyo afhayeenkii madaxtooyada Somaliland shalay isku casileen, iyagoo saluugsan dalab madaxweyne Siilaanyo hor dhigay oo ah in Kulmiye iyo xukumaddiisu taageerto Muuse Biixi, tartankana meesha laga saaro.

 

Comments are closed