|

“Oohow Kuma Xasilo Geel Haduu Aar u Soo Dhaco’’ Aragtida Gudoomiye Cali Guray ee Foos burburka Kulmiye

Hargaysa 27.Oct 2015 (SDN/QJ)- Gudoomiye Ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Ucid Mujaahid Cali Guray ayaa Sheegay In Xisbiga Kulmiye uu baa’bay,Waxaanu ku baaqay in loo baahan yahay Shir deg deg ah oo Lagu badbaadiyo Waddanka oo Sida uu Sheegay haadaan ka sii dhacaya.

Cali Guray ayaa Qoraal uu arrintaas kaga hadlayo Wuxuu ku faafiyey Barta Shabakada Xidhiidhka dadweynaha ee Facebook uu ku leeyaha isagoo Yidhi ”Kulmiye wuu ku daayay oo Bomkii mudaysnaa ee beryahaaba sida saacadda wayn(clock) aynu dhegdheg tiisa maqlaynayn wuu qarxay oo Madaxtooyada dhexdeeda ayuu ku qaraxay goor niskii dambe oo habeen hore ahayd.
Madaxtooyadu waxay ka badheedhay in musharixiinta Madaxwaynaha iyo ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye aanay noqon karin cid kale oon ahayn Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Zaylici, gar iyo gardarro, nin jecel iyo nin beceba. Sidaa daraadeed ayay Madaxtooyadii Axmed Silanyo noqotay sidii ninkii isaga oo salaad ku jira sarajooga ku itixaad saday ee wadaadiisi tidhi”oo maxaa lala fadhiisan”

Madaxtooyada hawsha laga wadaa waa in Kulmiye xoog isku muquuniyo waana suurtogal nar hadii aan wax la isu la hadhayaa jirin. Caqliga talinayaa saw maaha kii madaxda xisbigooda, wasiirada xukuumadooda iyo weliba xildhibaanadooda Barlamanka ku weeraray Ciidanka? Maanta oo xukuumadii ay ku kala baxeen saw maaha Abkay Waxa laga fili karaa “Abkay Dooli Dile Dad Nool Maws Daahaa? Hadiiba uu qabsoomo Kalfadhiga Golaha Dhexe oo aan is leeyahay way adkaan doontaa inu ku qansoomi karo jawi caadi ah sidii markii hore loogu talogalay wuxu noqon karaa uun madal beenaad musharaxiinta dhinaca Madaxtooyada laga wato loogu xalaalaynayo musharax nimada si qasab iyo xoog iyo af duub ah ee aan ahayn madal loo siman yahay.
Lakiin cidda madaxtooyada ka talinaysaa waxad moodaa in aanay xisaabta ku darsan in cidda iska leh talada iyo go’aanka kama dambaysta ahi ay noqonayso dadwaynaha iyagu codadkooda ku dhiiban doona sanaadiiqda cod bixinta. Hadii ay taa xisaabta ku darsadeen ta keliya ee u qorshaysani waa in ay burburiyaan xornimada iyo xalaalnimada doorashada iyaga oo adeegsanaya awooda dawladda iyo hantida qaranka. Markaa hadii ay qawadaan inta ay boobeen in ay la faasaxo wixii ka sii nool hantida dadwaynaha ee weli ku sii jirta gacanta dawladda een la iibin kol ay Madaarada iyo Dekedda tahayna la kaash garaysto. Baqaha ugu wayn ee madaxtooyada dabarkii iyo hogaankiiba soo goosatay waa in dagaal sokeeye oo hor leh ay Somaliland geliso hadaan loo yeelin qorshaheeda waali dulka ah.
Hadaba si loo badbaadiyo qaranka waxa waajib ah in dhamaan xoogaga isbedel doonku ay u midoobaan taas oo marka ay xisbiyada mucaaridka ah tahay aan ka suurogeli karin hadii aan danaysiyada gaarka la fambaysiin oo aan wax walba laga hormarin danta Guud ee la wada leeyahay. Hadii taasi ay dhici waydo oo ay ka suurtogaleli waydo labada xisbi ee mucaaridka ah ama mid ahaanba markaa fursadda dadwaynaha hor iman karta maaha wax loogu yeedhi karo isbedel ee waxay noqonaysaa KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR waxay kala doortaan iyo wax ay wax ku kala door taan midna ma garan doonaan taasina jab iyo guul darro kale waxaan ahayn oo laga malaysan karaa ma jirto rajedii yarayd iyo yididiiladii shacbiga Somalilandna god madow bay ku dhici doontaa hadii inta goori goor tahay aan la helin talo dhab ah oo qarankan lagu badbaadin karo.
Maanta saw ma aragno inu due tabs beenobay hadalkii Gudoomiyaha Kulmiye? Meeday aqoontii iyo khibradii uu ku sheegayay Kulmiye ee uu ku xalilan karayay khilaafka gudihiisu? Sawkan xaalkiisi u dhurtay tii aan aniga oo Caligurey ihi aan sii sheegay in qarax ka dhaca Kulmiye mar dhaawaciisa la kala guri kari waayi saw kan maalin gudaheed ku boqday magac u yaalka. Maantana ama garo ama ha garan eh waxan leeyahay Gudoomiyaha Kulmiye “OOHOW KUMA XASILO GEEL HADUU AAR U SOO DHACO” xaaladda bahwayntii Kulmiyena maanta halkaasay maraysaa

CALIGUREY

 

Comments are closed