“Waa in Madaxweyne Siilaanyo iyo Reerkiisa Dalka laga Qabtaa,Xaalada Wadankuna Ma aha Mid eegan Karo” Murashax Kijaandhe DAAWO
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Murashax Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka Mid ah Xubnaha u Tartamaya Mansabka Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa Wax laga Xumaado ku Tilmaamay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu u Xidhay Tartankii Xalaasha ahaa ee ay Filayeen inuu ka dhaco Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Kaas oo uu Xusay inuu hal Musharax ku Koobay ,Taasina Waxay Wiiqaysaa ayuu Yidhi hannaankii dimuquraadiyadeed ee Dalka ka Jiray.