|

HRW oo Somaliland ku eedeysay inay si xun ula dhaqanto Dadka Xanuunka Dhimirka Qaba.

London,26Oct,2015(QJ/SDN)-Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Right Watch ayaa eedeyn u jeedisay  Somaliland, iyadoo ku eedeysay inay si xun ula dhaqanto dadka qaba xanuunnada dhimirka, kuwaasi oo la sheegay in si khasab ah lagu geeyo goobo lagu xannaaneeyo.

HRW_Somali_lagu_Xiray_Thailand_660

Warbixin ka kooban 81-bog looguna magac-daray -Chained Like Prisoners- ayay  hayada xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ku sheegtay in dadka la il-daran xanuunnada maskaxda ku dhaca la xidh-xidho iyo iyadoo loo raaciyo garaacis, waxaa kale oo la sheegay inay safaf dhaa-dheer u galaan daawada ay ka helaan goobaha caafimaad ee xukuumadda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.Goobaha caafimaadka ee gaarka ah, dadka qaba xanuunnada dhimirka waxaa lagu xidh-xidhaa silsilado, waxaa kale oo aad loo xakameeyaa dhaq-dhaqaaqooda iyo meelaha ay  tagayaan.

Hay’adda Qarammada Midoobay u qaablisan caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in Somaliland ay aad ugu badan yihiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.

“Dadka qaba xanuunnada dhimirka ayaa intii la siin lahaa daryeel caafimaad, waxaa lagu dhibaa  meelaha lagu  xannaaneeyo, iyadoo loo xidho sidii maxbuus oo kale ama la takooro,” ayay tidhi Laetitia Bader oo hay’adda HRW u qaabilsan Afrika, iyadoo intaas ku dartay in Somaliland ay wax ka qabato goobaha caafimaad ee dadka  qaba xanuunnada dhimirka lagu xannaaneeyo.

Sidoo kale, hay’addu waxay Somaliland ugu baaqday in dadka dhimirka ka jiran la siiyo daryeel wanaagsan, hoggaamiyayaasha Somaliland waxay  ugu baaqday inay la socdaan oo isha ku hayaan meelaha dadkaas lagu daryeelo, lana mamnuuco in silsilado lagu xidho.

Waxay HRW sheegtay inay baadhitaan ku sameeyeen magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Gabiley, iyadoo la  wareysatay in ka badan 115-qof oo ay ku jiraan 47-bukaan oo ka tirsan dadkii dhibkaas uu ku dhacay ee la xidh xidhay.

Haya’addu waxay ogaatay sidoo kale in goobaha caafimaadka dadka xanuunka dhimirka qaba ay gacanta ku hayaan rag, kuwaasi oo haweenka dhibaato gaar ah ka soo gaadho.

Ugu dambeyn, Somaliland ayaa sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-kii waxay meel-mariyeen qorshe lagu qaabeynayo xeerarka dastuuriga ah oo la jaan-qaadaya heshiisyada caalamiga ee xuquuqda ay leeyhiyiin dadka qaba xanuunnada dhimirka ku dhaca.

Comments are closed