|

Tageerayaasha Muuse Biixi Cabdi Oo Dabaal Degyo Iyo Damashaad Ka Wada Magaalada Hargaysa Iyo Tageerayasha Musharax Maxamed Biixi Yoonis Oo Abaabul Xoogan Ku Jira

Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ)- Tageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa dabaal deg xoogan oo loo adeeg sanaayo gawaadhida Raaxada waxay ka dhex bilaabeen Magaalada Hargaysa, kadib markuu soo baxay warka sheegaaya inay Iscasileen raxan Wasiiro ah oo ay ku jiraan Wasiirada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaji Xasan iyo arrimaha debadda Maxamed Biixi Yoonis.

hirgo

Kooxaha Tageersan Muuse Biixi Cabdi oo dabaal degyo ka samaynaaya Wadooyinka Magaalada iyo Xarunta Xisbiga KULMIYE, Waxaa iyana si xoogan isu abaabulaaya Tageerayasha Musharax Maxamed Biixi Yoonis oo si xoogle uga cadhooday raacista Madaxweyne Silaanyo ugu kala hiiliyay Maxamed Biixi Yoonis iyo Muuse Biixi Cabdi.

Waxayna Jamaahiirta Tageersan Musharax Maxamed Biixi Yoonis laga dareemaya abaabul xoogan, lama garanaayo waxay xaaladu ku danbayn doono waxaana ilaa hadda kacsan guud ahaan jawiga Magaalada Hargaysa,Wixii Warar ah ee ka soo Kordha Kala Soco Qurbejoog.com

 

Comments are closed