|

Jabhado u Heshiiyay La Dagaalanka Dawlada Ethiopia

Oslo,26Oct,2015(QJ/SDN)-Magaalada Oslo ee dalka Norway waxaa lagaga dhowaaqay isbahaysi siyaasadeed cusub oo lagu magacaabo Is bahaysiga Shacabka ee Xorriyadda iyo Dimoqraadiyadda PAFD

ffff

Isbaheysigan ayaa waxaa dhistay shan urur, waxaana ka mid ah ururka ONLF ee ka dagaalama Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo Ururka OLF ee qowmiyadda Oromada.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee ururka ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in isbayesiga uu matali doono 60 milyan oo ka mid ah shacbiga Ethiopia.

Waxaa qorshaha ugu weyn ee isbaheysigan lagu sheegay sidii qowmiyadaha ay matallaan ay u heli lahaayeen xaqa ay ku lee yihiin Ethiopia, oo ay aaminsan yihiin in la duudsiiyey.

“Horta isku tagga jabhaddahan isku tagay waxa weeye inay abuuraan bilawga nidaam dimuqraadi ah oo suurto galin kara in la xaqiijiyo xaqa aayo ka tashiga oo aan ahayn mid warqad ku qoran. Runtii jabhaddaha halkan ku midoobay waa shan jabhadood oo waaweyn, waxayna ka bilawdaan xadka Suudaan oo Itoobiya soo dhex mara ilaa halka ay Umadda Soomaalidi ahi degan tahay ee Somalia dhinaca ku haysa. Waa shacabkaasi boqolkiiba lixdan ka ah shucuubta Itoobiya degan oo lagu qiyaaso 85 Milyan, markaa 60 milyan  ayay jabhadahani metelayaan, waana xoog weyn oo siyaasadda Ethiopia wax ka bedeli doona,” ayuu yidhi.

Waxa uu sababta ay isku bahaysteen ururadani ku sheegay inay ka hor tagaan siyaasad Ethiopia isticmaasho oo uu ku sheegay kala qaybinta dadka aayahooda ka tashanaya(qaybi oo xukun), taas bedelkeedana ay meel uga wada jeestaan arrimaha ay diidan yihiin.

Hogaanka arrimaha dibada ee ONLF ayaa sheegay in isbahaysiga cusub uuna waxba u dhimayn wadhadaladii Itoobiya iyo ONLF maadama xeerka isbahysigu qorayo in urur kasta danahiisa gaarka ah xor u yahay.

Ururka ONLF ayaa la sheegay in uu ku dadaalayo in uu xoojiyo awoodisa ciidan iyo ta siyaasadeed si gorgortankiisa wadahadaldo u yeeshan miisaan.

 

Comments are closed