|

Hay’adda Horumarinta Jarmalka oo doonaysa Xafiis ay Somaliland ka furato iyo Wefti ka socda oo la qaabbilay

Hargeysa, 26 Octobar, 2015 (SDN/QJ):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kulan kula yeeshay Xafiiskiisa Wefti ka socda dalka Jarmalka, gaar ahaan Hay’adda Horumarinta ee GTZ, kuwaasoo sheegay inay doonayaan Xafiis ay Somaliland ka furtaan oo ka shaqeeya mashaariicda horumarineed ee ay dalka ka fulin doonaan.

IMG_5660Kulankan oo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mr. Biixi uu ku wehelinayey Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasim ayey ku qaabbileen xubno metelayey Ururka Ganacsiga Jarmalka iyo Afrika (Afrika-Verein), Hay’adda horumarinta Jarmalka ee GTZ.

Kulanka oo lagaga hadlay Iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka, ayaa sidoo kale la sheegay in layskula qaatay in sannadka dambe lagu qabto dalka Jarmalka shir caalami ah oo ku saabsan maalgashiga Somaliland, sidii ka dhacday dalka Ingiriiska.

Madax ka socotay Hay’ada horumarinta Jarmalka GTZ oo kulanka ka qeybgalay, ayaa shaaca ka qaaday qorshahoodu yahay inay Xafiis ay ku yeeshaan dalka oo taageera mashaariicda Jarmalku ka fuliyo Somaliland.

Imaatinka Weftigan ka socda dalka Jarmalka, ayaa ku soo beegmaya xilli muddooyinkii ugu dambeeyey Wufuud kala duwan oo ka socda waddamadda xubnaha ka ah Qaaradda Yurub ku imanayeen dalka booqashooyin la xidhiidha horumarinta iskaashiga ay la wadaagaan Somaliland.

Comments are closed