Magacyada Iyo Tirada Xubnaha Gudoomiye Muuse Biixi ay Beeshiisu Farta ka saartay inay u Codaynayaan akhri
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee beesha Subeer Awal ee hadda taageersan musharaxnimada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ee ay u suurta gashay in ay saxeexaan warqadii loo gudbiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Xubnahan Golaha dhexe oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaanno, masuuliyiin soo qabtay xilal sar sare, Madaxdii xisbiga Kulmiye iyo masuuliyiin aad u tiro badan oo saaxadda siyaasadda Somaliland caan ka ah.
Xubnahan waraaqda saxeexay iyo kuwa kalsoonidooda soo bixiyey oo ah todobaatan xubnood in ka badan iyadoo tirada guud ee beesha Subeer Awal kaga jirta Golaha dhexe ay tahay ku dhawaad Sagaashan Xubnood taasoo muujinaysa in Gudoomiye Muuse Biixi uu haysto taageerada ugu balaadhan xubnaha golaha dhexe ee beesha subeer awal marka loo eego xubnaha ka maqan. Waxaana saxeexay waraaqdii loo gudbiyey Madaxweynaha Masuuliyiintan xubnaha Golaha dhexe ka tirsan ee hoos ku qoran:
- Wasiir Dr. Sacad Cali Shire (Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka)
- Wasiir Shucayb Maxamed Muuse (Wasiirka Wasaaradda Warshadaha )
- Wasiir Dr. Maxamed aw. Daahir (Wasiirka Beeraha)
- Wasiir Dr. Muuse Qaasim (Wasiirka Ganacsiga).
- W/Xigeen Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole) (Wasiir ku Xigeenka Warshadaha)
- W/Xigeen Cali Maxamed Cilmi (Cali Gadheer) (Wasiir ku Xigeenka wasaaradda Xanaanada Xoolaha)
- W/Xigeen Axmed Faarax Cadarre (Wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha)
- Maxamed C/laahi Cabsiiye (Lataliyaha Madaxweynaha ee arimaha Golayaasha)
- Xildh. Axmed Xasan Aadan (Wayso-cade)
- Xildh. Maxamed Baaruud Shide
- Xildh. Maxamed Xuseen X. Ciise.
- Xildh. Ibraahin Axmed Haybe
- Xildh. Aadan X. Diiriye Dirir (Sanqoole)
- Xildh. Ilyaas Muuse Jaamac (Golaha deegaanka ee Hargeysa)
- Dr. Maxamed C.laahi Cumar (Wasiirkii Hore ee Arimaha dibadda)
- Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoorxoor)
- Mujaahid C/kariin Xaashi Cilmi
- Mujaahid Faysal Cali Sheekh Maxamed
- Maxamed Faarax Xirsi
- Prof. Cabdi Cali Jaamac
- Siciid Xasan C/laahi
- Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil (Gudoomiyihii hore ee Haayadda shaqaalaha)
- Dr. Axmed Xaashi Oday
- Aamina Maxamuud Diiriye
- Maxamed Cabdi Iskeerse
- Eng. Xuseen Cabdi Cali
- Buraalle Cali Xuseen
- Dr. Maxamed Daahir Khayre
- Axmed Xaashi Cabdi
- Eng: Xuseen Sheekh Aadan
- Sheekh Saleebaan Siciid Cali
- Eng. C/qaadir X. Ismaaciil Maxamed
- Rooda Yuusuf Nuur
- Axmed/Qani Cabdi Samatar
- Khadar Baaruud Cumar
- Cali Maxamed Muuse
- C/raxmaan Cawil Xasan
- Maxamed Cismaan Axmed (Indho balac)
- Dr. Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine)
- Maxamed C/laahi Xandulle (Kayd)
- Milgo Daa’uud Cigaal.
- Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe Waxdad).
- Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case).
- Khadar Maxamed Caalin
- Khadar Cabdi Xuseen( Gud. Kulmiye ee Gobalka Hargeysa).
- Amiin Muuse (Gud. Kulmiye ee Gobalka Gabiley).
- Yuusuf Axmed Maxamed (Halac) (Gud. Kulmiye ee Gobalka Saaxil).
- Can. ab Cumar Ileeye (Gudoomiyaha garabka haweenka ee KULMIYE)
- Aniisa Nuur Cigaal (Gudoomiyihii hore ee ururka haweenka ee NOW)
- Aamina Yuusuf Aar (Aamina Timo-dheer)
- Nimco Aadan C/laahi
- Hodan Axmed C.laahi
- Samsam Ibraahin Galbeedi
- Faadumo Yuusuf Qodax
- Xasan Mawliid
- Xuseeen Maxamed Rodol
- Cali C/qaadir Sh. Yoonis
- Axmed Yaasiin
- Cali Xasan Jaamac (Cali Gobanimo)
- Abiib Xasan Filfil (Wasiirkii hore ee wasaaradda Ganacsiga).
Xubnaha Golaha wakiillada ee ku fadhiyey labada boos ama xubnaha ka baxay Xisbiga ee badalkooda loo gudbiyey Xisbiga si waafaqsan shuruucda iyo qawaaniinta Xisbigga Kulmiye ee lagu ansixin doono shirka golaha dhexe xubinimadooda, waxa ay yihiin xubnaha hoos ku qoran:
- Mustafe Ibraahin Cismaan (xubintii uu baneeyey Cali Maxamed Kooshin)
- Cismaan Xasan Mire (Kursigii labaad ee Xildh. Ibraahin Axmed Haybe)
- Maxamed Ismaaciil Warsame (Kursigii labaad ee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan)
- Cabdiraxmaan Cali Giire (Kursigii labaad ee Xildh. Maxamed Xuseen X. Ciise)
- Dr. Axmed Ibraahin Badde (Dr. Obolos) (Kursigii labaad ee Xildh. C.laahi Xuseen Cige).
Sida ka muuqata shaxda kor ku xusan, dhammaan Wasiirada Beesha Subeer Awal kaga jira Golaha Wasiirada oo dhan 9 wasiir iyo wasiiro ku xiigeen, 7 ka mid ahi waxay si hadda taageereen yihiin Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, hallka Wasiirka Arimaha Dibada JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis-na uu yahay Musharax. Waxa jira sideed xubnood oo ku maqan safaro dibadeed ama shaqo qaran oo ka baxsan magaalada Hargeisa, oo aanay u suurtoobin in ay saxeexaan liiska taageerayaasha Golaha Dhexe ee Musharaxnimada Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi oo taageeradooda kusoo muujiyey siyaalo kala duwan sida Email iyo Telephone. Taas oo ka dhigaysa tirada guud 73 xubnood.
Xigasho Wargayska Hubaal