Murrashaxiinta Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Awdal Oo Gaadhay Shan Xubnood Iyo Walaaca Laga Qabo Inay Isla Hadhaan
Hargaysa 26.Oct 2015 (SDN/QJ):- Murrashaxiinta u tartamaysa jagadda madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa ee ka soo jeeda gobolka Awdal, ayaa gaadhay Lix murrashax, waxaanay murrashaxiintaasi ay taageerada ka nusqaamin karaan Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo mar labaad isku soo taagay tartanka doorashadda madaxweyne ku xigeenka ee xisbul xaakimka KULMIYE.
Musharrixiinta reer Awdal ee iclaamiyay inay u tartamayaan murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka waxa ugu dambeeyay Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan, oo habeen hore daboolka ka qaaday inuu jagadaasi u tartamayo, kana dalbaday xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE inay murrashaxiinta ku kala saaraan aqoon, waayo-aragnimo iyo wax-qabad.
Murrashaxiinta iyaguna hore isu soo taagay waxa ka mid ah Wasiirka Waxbarashada Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle,Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, waxaanay murrashixiinta reer awdal noqonayaan Lix Xubnood Marka lagu daro Madaxweyne Ku Xigeenka haatan Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici.
iyadoo dad badani aaminsan yihiin haddii aanay qaarkood tanaasulin inay dhici karto inay isla degaan.
Geesta kalena Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) oo ka soo jeeda Gobolka Buuhoodle ayaa madal balaadhan oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee caasimadda Hargeysa khamiistii la soo dhaafay ku bayaamiyay inuu u tartamayo murrashaxnimadda madaxweyne Ku-xigeenka, waxaanu noqonayaa murrashaxii u horeeyay ee ka soo jeeda Beelaha Harti ee isu soo taaga murrashax madaxweyne- Ku-xigeen.
Tartanka murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka ee xisbul-xaakimka ayaa sannadkan noqonaya mid aad u adag oo xanaftiisa yeelan kara haddii aan xisbigu ku dhamayn isu-tanaasul iyo wada hadal.