|

Xubnaha Ka Tirsan Golaha Dhexe ee Kulmiye ee Gobolada Awdal Iyo Sool oo Taageero u Muujiyey Murashaxnimada Muuse Biixi Iyo Rafiiqiisa Saylici DAAWO

LamaaneHargaysa 24.Oct 2015 (SDN/QJ)-  Xubno la sheegay inay Yihiin Aqlabiyadda xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE ugu jira Gobolka Awdal ayaa Maanta Taageero u Muujiyey murrashaxiinta jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen ee Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Xaflad qado sharaf ah oo xubnaha golaha dhexe iyo waxgarad ka tirsan Gobolka Awdal loogu qabtay huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa maanta, waxa ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka hadda talada haya, ahna murrashaxa xilkaasi u taagan KULMIYE gudihiisa iyo Guddoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi oo u sharraxan jagada madaxweynenimo tartanka doorashada shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE ee u muddaysan 10-ka bisha November 2015.

Dhinaca kale Waxaa Madashaasi ka hadlay Xubno Tiro yar oo ka soo Jeeda Gobolka Sool oo Sheegay in Beesha Harti ay Murashax u Yihiin Gudoomiye Muuse Biixi Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka haatan Mudane Saylici .

Comments are closed