|

Agaasime Muujiyay Wax qabad La Mahadiyay!

Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa ah mid u xil saaran kaluunka iyo dhinaca badaha ahmiyad wayna ugu fadhida qarankan .

XASAAN Agaasimaha guud ee Wasaaradda kaluumaysiga Somaliland Md Cabdi Axmed Nuur(Cabdigurey) ayaa tan iyo mudadii uu hayay xilka Wasaaradda Kaluumaysiga waxa u muujiyay waxqabad balaadhan,taasi oo ka muuqata bahda Kaluumaysatada guud ahaaan .

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Kaluumaysiga ayaa hore u ahaa agaasimaha Wasaaradda warshadaha,waxaana la xasuustaa waxqabadkii uu ka muujiyay wasaaraddaasi mudaddii uu hayay oo ay ka mid ahaayeen ,heshiisyo caalami ah oo ay wasaaraddu la gashay dalka Chine.

Haddaba markii loo wareejiyay Wasaaradda kaluumaysiga waxa uu bilaabay inuu hawsha wasaaraddaasi horumariyo.

  • Waxa ay wasaaraddu diwaangalisay kaluumaysatada ka hawl gasha dalka kaasi oo ahamiyad wayn u lahayd kaluumaystada guud ahaan.
  • Waxa ay wasaaradu hirgalisay in ay urur u samayso kaluumaysatada ka hawl gasha Gobolka Saaxil waxana arinkaa hormuud ka ahaa agaasimaha guud ee wasaarada kaluumaysiga Mudane: Cabdi Gurey.
  • Waxa uu hagaajiyey xidhiidhk wada shaqayneed ee ka dhaxeeya hay’adaha daneeya khayraadka dalka iyo wasaarada.
  • Wasaaradda ayaa hadda ku hawlan qabashada carwo dhinaca kaluunka ah oo hore aan dalka looga qaban.

 

Gunaanad.

 

Agaasimaha guud waxaan ku hambalyaynayaa kuna bogaadinayaa sida xil kasnimada leh ee uu uga soo baxay hawlihiisa uu u xil saaran yahay,waxaanan odhan karaa waa agaasime hormuud u ah agaasimayaasha dalka.

 

Hassan M.Muuse

Soosaaraha Barnaamijka

Kaluumaysiga Radio Hargeisa.

Comments are closed