Hay’ada NASA oo Sheegtay in Adduunku Mugdi ama Gudcur Noqon doono muddo 15 maalmood ah,Gaar ahaan Bisha November ee sanadkan 2015 AKHRI
Washington 24.Oct 2015 (SDN/QJ)- Hay’adda Dayaxgacmeedka iyo saadaasha hawada ee NASA ayaa soo saartay warbixin ka kooban 1000 (Kun Bog) oo aay ku soo bandhigtay in Adduunka uu noqondoona (15) Maalmood MUGDI, taasoo bilaaban doonta Bisha November 15 oo Axad ah ilaa bisha November 30.
Charles Bolden, oo uu dhawaantan madaxweyne Obama u magacaabay madaxa NASA ayaa soo saaray warbixinta ka kooban 1000 bog
Warbixintan Markaan soo Koobno Waxay sheegtay in bishan Oktober 26-keeda in Meerayaasha VENUS iyo JUPITER ay isku soo dhawaan doonaan si siman, waxaana u dhexeyn doona hal degree (1 Degree).
Venus waxaa uu dhaafi doonaa dhanka koofur-galbeed Jupiter, taasoo keeni doonta in Venus iftiinkiisa oo kor u koco toban jibaar ka badan midka Jupiter.
Rogaal celinta gaaska uu sii deyn doono ayaa noqoneysa mid aanan la koobi karin hydrogenta ku jirta hawada sare. Hydrogentaas gaaska ah ayaa ku milmi doonta qorraxda dhulka qiyaas ahaan saacadu markey tahay 2.50 AM saqda dhexe.
Ku milmidaas hydrogenta ayaa keeni doonta qarax aad u weyn oo ka dhaca daafaca qoraxda. Qaraxaas ayaa waxaa uu kor u qaadi doonaa heer-kulka qoraxda in lagu qiyaasay 9000 oo degree.
Qorraxda ayaa markaa kaddib hoos u dhigi doonta heerkulkeeda kana dheeraan doonta dhexda. Waxaa tani keeni doontaa in iftiinka qoraxda uu hoos u dhaco adduunkana noqdo Mugdi Ilaysku ku yar yahay.
Qaybo ka mid ah dunida ayaa dareemi doona wakhti 7-8 daqiiqadood ah iftiin aad u xoog badan ka hor inta aanu dhulku wada noqon .madaw amba mugdi taasi oo ku beegan 15ka nov.2015 ahna maalin axad ah.
GUJI HALKAN OO WARBIXINTAN OO DHAMAYSIRAN HALKAN KA DHEEHO