Dhacdooyinka Masiiriga Ah Ee U Baahan In KULMIYE Tiradda Ku Darsado Faalo Qallinkii Cumar Maxamed Faarax
“Dulin iyo qaniin baa
Igu deeddamaayoo
Dalooshuu is leeyahay
Ninba meesha ugu dagan
Ee dubkayga tuunbada
Degdeg looga sudhan karo.” Abwaan Gaarriye- Daba-taxan
Hargaysa 24.Oct 2015 (SDN/QJ)- Musharaxiinta Madaxweynenimadda xisbiga KULMIYE waxay ku heshiiyeen inay si xalaal ah u baratamaan. Waana dariiqa kaliya ee u furnaa inay turxaan la’aan ku tartamaan oo shirka shanaad ee Golaha dhexe ku qabsoomo jawi nabadeed iyo doorasho xalaal ah.
Waxaana Shookaanta qaban-qaabada shirkaas la wareegtay guddi ka kooban shan xubnood, oo kala ah saddex ka mid ah Guddoomiye Ku Xigeenadda xisbiga, Xoghayaha Guud iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga oo oday miiska juuriga u fadhiya looga dhigay.
Guddidan lagu wada qancay waxaa waajibaadkooda ugu weyn inay qodax-tiraan saaxadda lagu tartamayo iyo inay xubnaha Golaha Dhexe ee KULMIYE u diyaariyaan kaadhadhkoodii aqoonsiga.
Tiradda Kuraasida lagu tartamayo:
Maalinta u horeysa ee shirka Golaha dhexe ee KULMIYE, waxaa lagu dooran doonaa Hoggaanka Golaha dhexe ee KULMIYE, saddex xil oo kala ah Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Guddoomiye Ku xigeenka Golaha Dhexe iyo Xoghayaha Golaha Dhexe. Saddexda masuul ee loo dooranayo Hoggaanka Golaha dhexe, waa masuuliyiinta Hoggaaminta iyo u xaq-soorida murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka xisbiga u metali doona doorashadda lagu wado inay qabsoonto 28-ka March 2017-ka.
Guddoomiyaha Golaha dhexe waxa loo geli doonaa tartan adag, waayo Murrashaxiinta madaxweynenimadda KULMIYE waxay si gaar ah indhaha ugu hayaan saddexda xubnood ee noqonaya Hoggaanka Golaha dhexe.
Guddoomiyaha Golaha dhexe Illaa imika inta la og yahay waxa mansabkaasi u taagan Guddoomiyihii hore ee Golaha dhexe Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac-shabeel), Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan Dheere) Iyo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo horena u ahaa Guddoomiye Ku-xigeenkii Golaha dhexe.
Waxa isna todobaadkan kordhay murrashaxiinta u cararaya murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka xisbul-xaakimka, waxaana jagadaas u loolamaya Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Cabdilaahi Ibraahim Habbane iyo Wasiirka Waxbarashadda iyo tacliinta Sare Faarax Cilmi Geedoolle.
Murrashaxa madaxweynaha cid cusubi kuma soo kordhin waxa se hirdankoodu shaaricyadda yimid Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaalle, hase yeeshee waxa afartooda loolanka ugu adag ku jira Gudoomiyaha KULMIYE iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Mushkiladda Hanaanka Codbixinta Shirka Golaha Dhexe:
Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE waxay noqonayaan 400 iyo dheeraad xubnood. Waa tiro aad u badan oo ay ahayd inay intaas ka yaraato, habase ahaatee’ waxaa Guddidan agaasimaysa shirka looga fadhiyaa inay xal u raadiyaan mushkilad iyo fadeexad weyn oo maalintaas madasha ka muuqan karta.
Fadeexadaasi waxay noqon kartaa sida afartaas Boqol codbixintoodu looga geyoon doono. Ma waxay noqonaysaa gacan taag? Ma waxay noqonaysaa qarsoodi? Xisbi yahan ka tirsan Golaha Dhexe KULMIYE ayaa ii sheegay in xeerkoodu dhigayo in codbixintu noqoto gacan taag.
Haddaba, qoddobka u baahan in xisbigu sii axadho sida loo sugayo tiradda codbixiyeyaasha Golaha dhexe ee maalintaasi iyo sida ay u noqon karto mid hufan (transparency). Waxa keliya ee xisbigu mushkiladaas kaga dabaalan karaa iyadoo codbixintu noqoto qarsoodi oo Quraarad weyn oo cad oo qufulan lagu codeeyo, ka dibna markay dhammaato codbixintu Guddoonka shirku iyagoo kaashanaya wakiiladda tartameyaasha ay warqad-warqad u soo saaraan ka dibna ku dhawaaqaan magaca Musharaxa ku qoran.
Tusaale ahaan waxaynu arrintan kaga dayan karnaa hanaanka loo qabto doorashooyinka Soomaaliya ee TV-yadda aynu ka daawanno. Waxayse qaddiyaddani u baahan tahay in shirka laga ansixiyo in qoddobkaas wax ka bedal lagu sameeyo.
Haddiiba ay dhici weydo waxa iman doona shakiyo iyo in aad loogu noqnoqdo tiradda codadka murrashax waliba helay, waana mushkilad ay tahay in ciddii qaban qaabinaysa shirka Golaha dhexe tiradda ku darsato oo ay ku sii xisaabtamaan.
Waajibaadka Xubnaha Golaha Dhexe:
Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, waxa laga doonayaa inay ku shaqeeyaan xisbinimo oo ay codkooda ku bixiyaan si daacadnimo iyo lexjeclo ku jirto. Waxaan uga socdaa in aanay codkooda ku bixin beelnimo iyo dufan raadis ee waa inay codkooda siiyaan murrashixiinta u eegaan sifooyinka Hoggaamiyenimo, bisaylkooda, waayo aragnimadooda iyo sida ay qadiyadda Somaliland u iibgeyn karaan.
Waxa kale oo lagama maarmaan ah inay ka fikiraan inay soo saaraan murrashax dadweynaha Somaliland beri ka maalin cod ka heli kara oo aan lahayn iimo siyaasadeed,balse leh karti uu Somaliland dawladnimadeeda wax ku kordhin kara. Inay ka qorshaha ku darsadaan in murrashaxa ay dooranayaan uu noqdo mid aan istaraatajiyadiisu dhaqaalaha dalka wax ku kordhinaya, mid shaqo abuur samayn kara, mid aqoonsiga dalka jihada uu u marayo yaqaana. Mid aan Tallada dalka aan la jeesaynaynin oo dhibirsan isla markaana ummadda iraadadooda dhegaysan kara!.
Saamaynta Dambe Ee Shirka Golaha Dhexe Iyo Doorashooyinka Sannadka 2017-ka:
Dad badan oo siyaasadda lafo-gura, ayaa aaminsan in shirka Golaha dhexe ee KULMIYE ay ahayd inuu la jaan-qaado Muddaynta doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiiladda, waxa dadka sidaas qabaa ay ku doodayaan in ay ahayd in haddii madaxweynuhu uu is sharaxayo iyo haddii kaleba inay shirka Golaha dhexe ee KULMIYE qabsoomo bisha January sannadka 2017-ka, iyadoo sidaas loo yeelayo in la ilaaliyo karaamadda xukuumadda iyo wada-jirka xisbiga. Haddii shirka Golaha dhexe qabsoomo 10-ka Bisha fooda innagu soo haysa ee November, oo la doorto murrashax madaxweyne oo aan ahayn Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxay xukuumaddu noqonaysaa mid ku meel gaadh ah. Taasina waxay hoos u dhigi kartaa isku xidhnaantii wada shaqeyneed ee waaxaha dawladda.
Murrashaxa Cusub Iyo Raadadkii Madaxweynaha:
Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE ku guulaystaa waa inuu kaalin-geliyo oo uu sii xoojiyo mashaariicda iskaa wax u qabsadda ah ee uu curiyay madaxweyne Siilaanyo, ee ay ka dhasheen dhismeyaasha wadooyinka waaweyn ee ka socda gobolladda Somaliland. Iyadoo jidadkaasi u tisqaadeen markii xukuumaddu la timid siyaasad ku dhisan in bulshaddii 5km oo laami ah samaysataba ay ugu darayaan 5km oo kale.
Gebo-gabo:
Soomaalidu waxay tidhaadaa garri laba nin kama wada qosliso, waana sune dabiiciya iska ah in tartan kasta uu qof ku guulaysanayo, qofna laga dheereeyayna uu jirayo, waxase daruuri ah in marka sheekadu dhammaato loo wada shaqeeyo sidii hal koox oo leh hal bartilmaameed oo qudha.
Cumar Maxamed Faarax