|

Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo Oo Laga Dareemay Soo Dhaweynta Musharaxnimada Xaglotoosiye DAAWO

XAGLOTOOSIYELaascaanood,23Oct,2015(QJ/SDN)-Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Laascaanood, ayaa laga dareemay soo dhawaynta musharaxnimada madaxweyne xigeenka ee Kulmiye Mudane Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye. Dadweynaha ayaa soo dhaweeyay musharaxnimadiisa, iyagoo ku sababeeyay in xilalka qaranka ugu sareeya ay ka mid noqdaan bulshada bariga dalku.

Wasiirka caafimaadka Somaliland Xaglotoosiye oo maalin sadexaadii Hargeysa kaga dhawaaqay inuu yahay musharaxa madaxweyne xigeenka Kulmiye. Waxaana magaalada Laascaanood ee xarunta Sool laga dareemayaa Qabanqaabada munaasibado lagu taageerayo musharaxnimadiisa.

Wasiir Xaglotoosiye ayaa sheegay inuu rajo ku qabo sidii uu ugu guulaysan lahaa jagadaasi, waxaanu bulshada Somaliland ugu baaqay in cidii la doono laga dhigo madaxweynaha balse jagada madaxweynaha isaga lagu taageero

Ugu danbeyntii, Dadweyne ku nool magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sool oo Makarafoonka lala dhexmaray ayaa badiba soo dhaweeyay musharaxnimada Xaglotoosiye oo ay ku tilmaameen inuu yahay shakhsi u qalma jagada uu hiigsanayo.

 

Comments are closed