Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay, Isagoona Ka Hadlay Xaaladda Dalka Gaar Ahaan Haamaha Shidaalka DAAWO
Hargeysa,23Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo todobaadyadii u danbeeyay ku maqnaa dalka dibeddiisa ayaa saaka dalka dib ugu soo noqday, Magaalaa Hargeysa ee Caasimada Somaliland, gudoomiye faysal oo hor kacaayay wefti ka socda dalka jarmalka ayaa markii uu soo gaadhay garoonka diyaaradaha ee cigaal waxa uu warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Egal Airport.
Gudoomiye faysal ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaalkiisa uu ugu maqnaa qaar ka mid ah wadamada dalalka dibedda, sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu ka hadlay aragtidiisa ku aadan shaqaaqooyin kooban oo dhawaantan ka dhacay wadooyinka u dhaxeeya Hargeysa iyo Sheekh.
Geesta kale gudoomiye faysal Cali Waraabe ka waxa uu ka warbixiyay kulan uu la qaatay madaxweynaha dalka jabuuti isagoona sheegay in ay kawada hadleen madaxweynaha jabuuti arrimo badan oo ay ka mid yihiin danaha labada dal iyo tan mandaqada geeska afrikaba.
Halkan Hoose Ka Daawo Warkaasi Oo Faahfaahsan:
QJ/SDN: Hargeysa