Xassan Sheekh Maxamuud Oo Sheegay In Dhawaan AMISOM laga Rari Doono Jaamacadda Gahayr.
Muqdisho,23Oct,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in la horumariyo adeegyada ay bixiso Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo dhawaan dib loo hawl-geliyay, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.
Xasan Sheekh ayaa hadalkan sheegay xilli uu booqanayay Khamiistii shalay ahayd xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho; halkaasoo indho-indheyn ku sameeyay sida ay waxbarashadu u socoto.
“Dowladda federaalka Somalia waxaa ka go’an dib u soo nooleynta dhammaan laamihii ay ka koobnayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana dhiirri-gelinayaa in lagu soo daro laamaha kale ee cilmiga ee muhiimka ah, si jaamacadda ay ula tartanto jaamacadaha kale ee caalamka ka jira,” ayuu yidhi Xasan Sheekh.
Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa xusay in muddadii yarey ee ay dib u howl-gashay jaamacada Ummadda Soomaaliyeed ay ay sameysey horumar la taaban karo, isla markaana wuxuu bogaadinayo dadaalka ay muujiyeen mas’uulyiiinta Jaamacadda.
Madaxweynaha Somalia ayaa intaas ku daray in maalmaha dhowr ee soo socda ay ciidanka AMISOM ee deggen dhismeyaashii hore ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ka guuri doonaan, si fursad loo siiyo in jaamacadda ay dadka Soomaaliyeed ugu adeegeyso.
Ugu dambeyntii, Xasan Sheekh ayaa waxaa kormeerka Jaamacadda Ummadda ku wehlisey wasiiradda waxbarashada, Khadar Bashiir, waxayna kaga dhageysteen halkaas warbixino guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda, Prof. Maxamed Axmed Jimcaale iyo qaar ka mid ah ardayda iyo macalimiinta jaamacadda.