Qaramada Midoobay oo Shaacisay in Soomaaliya laga Cidhib-tiray Cudurka Halista ah ee Dabeysha
Muqdisho,23Oct,2015(QJ/SDN)-Hay’adaha Caafimaadka Dunida [WHO] iyo UNICEF ee Qaramada Midoobay ayaa shaaciyay Khamiistii shalay ahayd in laga cidhib-tiray Somalia cudurka dabeysha, kaasoo waxyeelleeyay 192 qof tan iyo sannadkii 2013-kii.
Tallaabadan lagu shaacisay in cudurka dabeysha laga cidhibtiray Somalia ayaa yimid kaddib markii baarayaal ka kala socda haya’adaha UNICEF, WHO iyo xarummo ka cudurkan hor-taga ay baaritaanno dheeraad ah ku sameeyeen cudurkaan, kuwaasoo shaaciyay in cudurka dabeyshu uu ka dhammaaday Somalia bishan Oktoobar ee lagu jiro.
Fayruska cudurka dabeysha ayaa lagu arkay gabar yar oo laba sano jir ah bishii May, 2013-kii; kaasoo si dhaqso ah ugu faafay Soomaaliya oo dhan, waxyeellana u geystay 194 ruux illaa dhammaadkii isla sannadkaas.
Dadaallo badan oo la sameeyay darteed ayaa keentay in cudurkaani uu fidi waayo, iyadoo sannadkii 2014-kii lagu arkay cudurka shan ruux oo keliya. Iyadoo kiiskii ugu dambeeyay ee cudurkana la sheegay in lagu arkay degmada Hobyo ee gobolka Mudug, 11-kii Ogoosto sannadkii 2014-kii.
“Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa muujiyay dadaal cudurkaan looga hor-tagayo, kaasoo ay sheegeen inuu yahay mid kaalinta hore kaga jira arrimaha Qarankooda, ayna hubinayaan in carruurta la tallaalo,” ayuu yidhi xidhiidhiyaha QM ee gargaarrada bani’aadamnimo ee Somalia, Peter de Clercq.
Xiriiriyaha ayaa intaa ku daray. “Tani waa guul weyn oo ay soo hoyeen dad u shaqeynayay si mutadawacnimo ah oo u bareeray khatarta si ay u badbaadiyaan nolosha dadka kale ee in la caawiyo u baahan.
Sidoo kale, ku-xigeenka afhayeenka QM, Farhan Haq oo isagana hadlay ayaa ku sheegay warkiisa in olole weyn oo ay iska kaashadeen dowladda Soomaaliya, WHO, UNICEF iyo hay’adda caalamiga ah ee ka hortagga cudurka dabeysha tallaalka cudurka dabeysha lagu siiyay 2.1 milyan carruur ah oo ay da’oodu ka hoosayso shan sano.
Intii uu ololahan socday ayaa la sheegay in deegaannada qaarkood la tallaalayay caruurta da’doodu u dhexeyso shan sano illaa 10-sano, iyadoo dadka waaweyna qaarkood tallaalka la siinayay si loo xaqiijiyo in la hakiyo in fayruska cudurku uu fido.
Khuburo ka kala socotay hay’adaha WHO iyo UNICEF oo la shaqeynayay xubno Somali ah ayaa kormeerro ku sameynayay 35 barnaamij oo looga hor-tagayay cudurka dambeysha, iyadoo xaaladdu ahayd mid khatar ah.
Tallaalka cudurkan intii uu ocday ayaa la sheegay in laba ka mid ah shaqalaha hay’adda UNICEF lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland 20-kii bishii Abriil ee sannadkan 2015-ka.
Shaqaalaha tallaalka ee Soomaalida ah ayaa guryaha booqanayay si ay carruurta ku nool u siiyaan tallaalka cudurka wax-naafeeya ee dabeysha, xilli ay xaaladda ammaan ee goobaha qaarkood ay khatar ahayd.
“Jawaab degdeg ah oo looga hortagayay cudurkan inuu baaho ayaa guul weyn laga gaaray, iyadoo la joojiyay faafidda cudurkan halista ah,” ayuu yidhi wakiilka UNICEF ee Somalia, Foroogh Foyouzat. Isagoo intaas ku daray. “Waan sii wadaynaa ololaha tallaalka cudurkan, si aan u hubinno in cunug walba oo Somali ah uu qaato tallaalka ka hortagga cudurkan oo aan dawo lahayn.”
Dhanka kale, wakiilka Somalia ee hay’adda WHO, Ghulam Popal ayaa isna ku yidhi hadal uu jeediyay. “Inkastoo warkaan uu yahay mid wanaagsan, haddana ma ahan mid aan ku qanci karayno. Waanan sii wadaynaa tallaalka si aan u xaqiijinno inaan bilaha soo socda caruurta Soomaaliyeed oo dhan u siinno tallaalka. Waayo cudurkan waa soo laaban kara, waana inaan si dhab ah u joojinno.”
Ugu dabmeyn, hay’adahan ayaa sheegeen inkastoo la hakiyay cudurka dabeysha haddana ay si wadi doonaan tallaalkooda inta carruurta Soomaaliyeed oo dhan la siinayo ka dawada hortagga cudurkan, waayo dhowr jeer oo hore ayaa waxaa la sheegay in la hakiyay cudurka haddana uu dib loogu arkay Somalia.