|

Maxakamadda Gobolka Oo Xayirtay Xaruntii Uu Qaadigii U Horreeyey Ee reer Hargeysa Fadhiisan Jiray 1905-tii

MAXKAMADA SAREHargeysa,23Oct,2015(QJ/SDN)-Maxkamadda gobolka Hargeysa ayaa shalay soo saartay Amar ay ku Xayirtay xarunta waxbarashada dadban ee haweenka ee Womens’ club-ka Hargeysa oo la sheegay in Xukuumadda Somaliland fasaxday, inkastoo aanay jirin war cad oo iibkeeda laga soo saarin, waxaanay Maxkamaddu Amartay in aanu Iibkaasi sharci ahayn.

Garsooraha soo saaray Amarka Xayiraada ah ayaa sheegay in xarunta Womens’ Clubku ku jireen ay tahay xaruntii ugu horaysay ee ay Maxkamadda gobolka Hargeysi yeelato, iyadoo uu Garsoorihii ama Qaadigii ugu horeeyey fadhiistay 1905-tii.

Maxkamada gobolkaMaxkamadda ayaa ku dooday inaan dhulkaas laga qaban Karin wax shaqo ah, illaa iyo Amar danbe, waxaana saaka iyo shalay ba kormeeray xaruntaasi garsoorayaal ka socday Maxkamadda, kuwaas oo qiyaasay dhulka ay xaruntaasi ku fadhido. Xaruntan oo hadda ahayd dugsi waxbarasho oo ay ka aflaxeen arday badan kuwaas farsamooyin badan oo ay ku shaqo tageen ka bartay xaruntan.

Dugsigan oo lagu naanayso dugsiga dhaqaalaha guriga ee  Xaaji Haweeya Womens Club, ayaa loogu magac-daray Xaaji Haweeya Cabdi Mooge oo ahayd shakhsi door shariif ah kasoo qaadatay waxbarista haweenka, taas oo ka soo bilaabata xilligii Isticmaarka Ingiriiska illaa dabayaaqadii Sanadihii Sagaashamaadka.

Xaajiya Haweeya waxa ay muddo kor u dhaafaysa nus qarni madax ka ahayd dugsigan dhaqaalaha guriga ee Womens Club-ka, waxaana xilligan xukuumadu iibin doono dhiganaya 1800 oo arday.

 

Comments are closed