Wasaaradda Maaliyada Soomaaliya Oo Shaacisay In La Joojiyay Cashuurihii Laga Qaadi jiray Ganacsatada.
Muqdisho,23Oct,2015(QJ/SDN)-Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Somalia ayaa shaacisay shalay inay joojisay gabi ahaan canshuurtii 20-ka doollar ahayd ee laga qaadi jiray ganacsatada wax ku iibiya suuyada Muqdisho.
Qoraal wasaaradda ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixraacayo wareegtada sumadeedu tahay MOF/OM/0060915 ee kasoo baxday xafiiska wasiirka maaliyada in si toos ah loo joojiyay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee bil kasta laga qaadi jiray ganacsatada suuqyada wax ku iibisa.
Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay iyadoo laga duulayo xaalada amaan-xumo ee dalka ka jirtay muddada dheer ee sababtay inaan la qaadi karin canshuurihii ku waajibay ganac-satada suuqyada ayay wasaaraddu si ay u barto ganacsatada waxaa lagu soo rogay sanadkii 2014-kii inay bixiyaan ganacsatadu canshuur 20-doollar ah.
Warka ayaa waxaa kaloo lagu xusay si looga gudbo marxaladihii kalifay in la qaado qidmo duuduub ah, ayaa la joojiyay gabi ahaanba 20-kii doollar ee laga qaadi jiray ganacstada suuqyada wax ku iibisa laga billaabo maanta oo ay tahay taariikhdu 21-ka Oktoobar, 2015-ka.
Dhanka kale, waxaa lagu sheegay qoraalka in wasaaraddu la imaanayso qorshe faahfaahsan oo ay ku cad yihiin sidii loo qaadi lahaa canshuuraha gadista ee ku waajibtay ganacsatada suuqyada wax ku iibisa, iyadoo la raacayo shuruucda u dagsan dalka.
Ugu dambeyn, warbixinta wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu xusay in laamaha canshuuraha ay gacan buuxda ka geystaan kaalintooda ku aaddan kor u qaadidda sidii loo ururin lahaa canshuuraha.