Xildhibaanadii Mooshinka Waday Waxa Dhabarka Ka Jebiyay, Dabinkii Gorgortanka, Beesha Caalamkuna Waxay Soomaaliya Ka Lumisay 25 Sanno !!!
Kadib markii uu qoraalka soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) 25-kii September, ku saabsan Mooshinkii ay xildhibaanad qaar ka keeneen madaxwaynaha, ayaa waxa cadaatay sida ay xildhibaanadaas ka keenay mooshinka Madaxweynaha, ay ugu fashilmeen in ay Mooshinka meel mariyaan, xildhibaanadu waxay in mudo ah sas iyo argagax ku ridaan Villa Soomaaliya, Villa Hargaysa iyo weliba qolada isku magcawday beesha caalamkaba (Kooxda lugoynta iyo Hagardaamaynta ummadda Soomaaliyeed), balse ugu dambayntii iyada oo ay shax dabin ah u degeen, kooxahan aan soo xusnay, waxay ugu dambayntii ku
Rideen xildhibaanadaas dabin shirqool! Kaas oo ahaa in ay Mooshinka wadahadal kala galaan madaxwaynaha, taas oo macnaheedu yahay, gorgortan siyaasadeed! Xagee lagu arkay dembiya qaran, oo la soo oogay, oo hadana wadahadal iyo gorgortan siyaasadeed laga galo?!! Kaas wuxuu ahaa dabin iyo shirqool siyaasadeed, oo aanay xildhibaanadu ka
Fiirsan!! Kooxda soo abaabushay shirqoolkan ee min madaxtooyada ilaa beesha caalamka, waxay shacabka Soomaaliyeed iyo Aduunkaba tusinayeen, in arinta xildhibaanada Mooshinka wadaa tahay “Orgiga baroortu ka wayn”, in aanay xildhibaanadu wax dembiya ku haysan madaxwaynaha, bal se ay dabada ka riixayso
Tabashooyin iyo damac siyaasadeed, oo ay xildhibaanadu qabaan! Taas baana keentay in uu Jawaari ku dhiirado, oo uu si badheedha u laalo Mooshinkii madaxwaynaha laga keenay, sidoo uu yahay isagu maxkamadii distuuriga ahayd!! Shaki kuma jiro in aanay xildhibaanadu wada waafaqsanayn, wadahadalkii uu Jawaari ugu baaqay, bal se ay
Dhamaan aqbaleen ka dib markii qaar iyaga ka mid ah, ay aqbaleen mashruucii wadahadalada, ee uu Jawaari ku baaqay! Shacabka Soomaaliyeed iyo inta wanaaga ummadda Soomaaliyeed jecelba kama qarsoonayn dembiyada uu madaxawaynuhu dalka ka galay, ee xildhibaanadu ku soo oogeen, bal waxay qabaan in uu madaxwaynuhu dalka
Ka galay dembiyo intaas ka badan!Si kastaba ha ahaatee, waxaa la yidhi: “Dameero isku halayn bay hooyadood dabada uga nuugaan”, madaxwayne Xasan Shiikh iyo gudoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, waxay sharciga iyo distuurka dalka ugu tumanayaan, waa ilaalin iyo isku halayn ay kooxda isku magcawday beesha caalamka ka qabaan! Oo
Ah kuwa ay iyagu dhab ahaan ugu adeegaan sharci darada iyo musuq maasuqa, ay dalka ku hogaaminayaan, iyo hagardaamaynta ummadda Soomaaliyeed, siiba dowlada Ingriiska oo aynu dhamaan ognahay, dhibaatooyinkii iyo hagardaamooyinkii soo jireenka iyo taariikhiga ahaa, ee ay hore ugu gaysteen dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba,
Hadana ay qayb aad u wayn ka qaadanayaan, boobka iyo dhibaataynta lagu hayo khayraadka iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, sida shirkada SomGas and Oil Ingriis baa iska leh, shirkada kale ee budhcada ah, ee uu Xasan Shiikh u saxeexay in ay maamusho khayraadka Baddeena, iyana waa Ingriis, iyo waxyaabo kale oo badan, oo
Wada sharci daro, khiyaano, shirqool iyo hagardaamayn ah, oo ay dowlada ingriisku ka wado dalkeena!! Taas ayaana keentay in Nicholas Kay iyo hawaynayda safiirka uga ah Ingriiska Soomaaliya, ay ka dhamaan waayeen, oo ay dhaleecayn toos ah la daba joogeen xildhibaanadii Mooshinka ka keenay madaxwaynaha, ee waajibaadkooda distuuriga ah
Gudanaayay, mudadii uu Mooshinka socday! Sidoo kale waxay isku halaynayaan, xildhibaano baarlamaanka ka mid ah, oo laaluush qaatayaal ah, badankooduna ah basaasiin u adeega dowlada shisheeye ah, oo ka mid ah kooxdan isku magcawday beesha caalamka, tan kale waxaa la yidhi: “Geela duqdiisu durdurisay aarinkiisana maxaad
Moodi”, ninka ugu muhiimsan ee maanta loo adeegsanaayo musuq maasuqa, iyo hagardaamaynta dalka iyo ummaddaba, ee ku hawlan in aan qaran Soomaaliyeed dib u hana qaadin, waa gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari!! In kasta oo uu yahay Jawaari kii ugu sii xumaa, hadana dhamaan gudoomiyayaashii dhowaanahan soo maray dalka, dowladihii kala dambayay ee loo soo dhisay, waxay ka
Sinaayeen in ay caqabad ku noqdaan horumarka dalka, iyo soo celinta qaranimadii Soomaaliyeed ee burburtay, dhamaan waxay ka sinaayeen laaluush qaadashada iyo nooc kasta oo musuq maasuq ahba, waxay ka wada sinaayeen in madaxwaynuhu jeebka ku rito, waxay ka wada sinaayeen u adeegida iyo adeecida shisheeyaha[Ethoia} iyo hagardaamaynta
Shacabkooda, dhamaan waxay caqabad ku noqdeen in ay dalka ka hana qaado dowlad sharci, cadaalad, ka fiyoobi musuq maasuq iyo kala dambayn ku salaysan! Waxayna Astaan u noqdeen dhamaan musuq maasuq, nin jeclaysi, kooxaysiga qabyaalada ku salaysan, iyo fasaad iyo fidnad oo dhan.
Gudoomiyayaasha barlamaanka soo marey oo deegaan ahaan bay iyo bakool lo tiriryaa miyaaney xasuusan dhibaatayinkii goboladey matalayaan soo marey.
Walaal (halkan ka daawo qayb yar oo ka mid ah muuqaaladii argagaxa iyo tiiraanyada ku reebay malyuumaadka dad ah dunida dacaladeeda), maantadaa aan joogno, inta badan dadka goboladaasu kama soo kaban dhibtii halkaa ka dhacday, waxayna si darxuma ah ugu kala firidhsan yihiin, xeryaha qaxootiga debeda iyo xaga gudaha dhamaan gobolada
Soomaaliya!
Bal eega walaalayaalow nimanka madaxda laynooga dhigaayo, waxay maanta dib inoogu soo celiyeen Ingriis, oo aynu wada ognahay dhibtii uu hore inoogu gaystay{Bixintii ogaadeenya. iyaga oo weliba ka doortay dowlad
Aan isku caqiido iyo Milad nahay, oo waqti adag inoo soo gurmatay, oo inoo qabatay waxaan cidina weligeed inoo qaban, inoolana diyaar ahayd, in ay wax ka sii badan inoo qabtaan, waa dowlada Turkiga ee aan walaalaha nahay ee, ayay waxay inooga dooreen Ingriiskii aynu wada ogayn, ee ina dhaxal wareejiyay, ee weligoodba cadawgeena Kowaad ahaa!! Maantana u soo tafaxaytay, in ay khayraadkeena boobaan, dhulkana inooga qaadaan dowladaha aynu deriska nahay Itoobiya iyo Kiinya, ee ay isku milada yihiin, oo ay horena wax badan inoogaga qaadeen!! Waxaynu maanta u baahnayn buur aan ku tiirsano, si aan cagaheena isugu taagno, waayo kuwan beesha caalamku marna ka Raali noqon maayaan, in aan cagaheena isku taagno! waxayna inaga lumiyeen, oo ina warwareejinayeen 25 sano, oo aan si uun noqon lahayn! Maalin walba waxa laynoo keeni road map, iyo mashaariic ma dhalays ah, oo lacag lagu cuno, bal se aan inaga waxba inoo soo kordhinayn sida mashruuca 2016 ka, oo aan u wada riyaaqayno, maxaa inooga soo Kordhi kara ama kuwa hada jooga baa lagugu soo celin, ama kuwa ka sii xun baa laguugu bedeli ee!! waxay inoo dhisaan waa haykal hoosta ka madhan, oo ay si fiican u ogyihiin, maxaa dowlad laga dhisaa, hadii aanu shacabkii ay xukumi lahaydba heshiis ahayn!! Miyaanay dibu heshiisiin taas ka horayn horta?!! Hadaba buurtii aan ku tiirsan
Lahayn waan helay, waana dowlada Turkiga, ee aan walaalaha nahay, laakiin waxaa inaga khasaariyay, oo inaga horjoogsaday, oo cidlada inoogu xidhay cadawga ina shirqoolaaya, waa kuwaa madaxda laynooga dhigay, ee aan wadaninimo, dal jacayl, garasha wanaagsan, iyo caqiida diineed aan midna u saaxiibka ahayn!! Wadamada
Carabta waxaa hore u xukumi jiray, khilaafadii Cusmaaniyiinta, oo Turki ahayd, in badan baa reer galbeedku ka dalbadeen khilaafadaa, in ay Yuhuuda la dejiyaan Carabta Falastiin, bal se way diideen taas Turkigu, markii dambe waxay reer galbeedku ku kiciyeen Turkiga shacabkii Carabta, iyaga oo ka dhaadhiciyay, in uu Turkigu gumaysto,
Way la dagaalameen, iyaga oo gacan ka helaaya dowladaha reer galbeedka, ugu dambayna Turkigii iyo khilaafadii Cusmaaniyiinta waa laga saaray wadamada Carabta, bal se maxaa dhacay taas ka dib?! Carabi ma ka faa’iiday saaristii Turkiga?! Maya reer galbeed waxay fursad u heleen, in ay Yuhuuda dejiyaan Falastiin!! Ama rumayso ama ha
Rumaysan, maanta Sinaariyaha muuqda, waxa inagu socda mashruuc la mid ah kii Falastiin dhulkooda lagu qabsaday!!!. Waxana sahlaaya, oo suura gelinaaya, loona adeegsanayaa kuwaa madaxda la inooga dhigay, ee aan garashada fog iyo diin iyo wadan jacaylka u saaxiibka ahayn!!!.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com