|

‘’Saaxiib Caadi Iska Dhig’’ Sheekadii Ugu Qosolka Badnayd Shirkii Madasha Wada-tashiga Soomaaliya

Muqdisho,22Oct,2015(QJ/SDN)-Muuqaalkii ugu qosol badnaa ee shirkii Madasha wadatashiga Qaranka ee dhawaantaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay inuu ku saabsanaa Sheeko qosol badan oo ay halkaas ka soo jeedisay Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ku hadlaysay magaca Bulshada rayidka ah.

Marwo Caasho Geelle Diiriye oo ku hadlaysay magaca ururada bulshada rayidka ah ayaa sheeko cajiib ah oo qosol badan oo ay goobtaas ka jeedisay waxa ay keentay in madaxdii iyo dadkii kale ee ka soo qeybgalay shirkaasi ay si aad iyo aad ah ay ugu qosleen, Marwo Caasho Geelle oo sheekadaas ugu magac dartey ‘’SAAXIIB CAADI ISKA DHIG’’ ayaa waxay sheegtay inay sheekadu ay ku saabsan tahay 5 wiil oo wlaalaalo ah, Laakiiin sida muuqatey Marwo Caasho Geelle ayaa waxay dhibsatey jawiga shirkaas uu ku socday iyo kala xidh xidhnaanshaha iyo isku waji furnaan la’aantii ka muuqatey madaxdii iyo shacabkii kale ee shirkaas iyadoona ay Marwo Caasho Geelle ay ka codsatey in qof walba qofka dhinac fadhiyo uu salaamo isla markaan uu ku yiraahdo ‘’SAAXIIB CAADI ISKA DHIG’’.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Marwo Caasha Geelle:

Ugu dambeyntiina iyadoo wixii ka dambeeyey sheekadaas qosolka badan uu isbadalay jawiigii uu shirkaas ku sugnaa islamarkaana ay goobtu noqotey mid la isku waji furan yahay ayaa arrinta kale ee qosolka iyo la yaabka leh waxay tahay in wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ka mid ahaa madaxdii ku sugnayd goobtaas uu si kaftan ah ku sheegay in aanay wali CAADI ISKA DHIGIN Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas taas oo keentay in si aad iyo aad ah loogu qoslay islamarkaana ay labada madaxweyne ay halkaas isku gacan qaadeen.

QJ/SDN: Hargeysa – Office

Comments are closed