|

Bangiga Afrika Oo Malaayiin Dollar Ugu Deeqay Qoxoontiga Soomaaliyeed Ee Dib U Soo Laabanaya

Brussels,22Oct,2015(QJ/SDN)-Bangiga Horumarinta Afrika ayaa shirkii ka dhacay shalay magaalada Brussels ee xarunta Belgium oo taageerada loogu raadinayay qoxootiga Soomaaliya inuu dowladda Soomaaliya ugu deeqayaan 30-milyan oo doollarka Mareykanka.

Dhaqaalahan ayaa la sheegay inay qayb ka tahay qorshaha dib loogu dajinayo qoxootiga Soomaaliyeed ee dalkooda kusoo laabanaya. Waxaana sidoo kale ugu deeqay qoxootiga Soomaaliyeed qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celinayo.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Bayle oo hadda ah madaxa mashaariicda dibadda ee bangiga horumarinta Afrika oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in howsha lagu qaban doono lacagta ay billabaanayso sanadka soo socda ee 2016-ka.

“Innagu waxaan dowaldda Somalia ugu yaboohnay lacag gaaraysa 30-milyan oo doollar, taasoo ah mid la doonayo in wax lagaga qabto arrimo ay ka mid yihiin; in marka qoxootigu soo laabtaan loogu sameeyo dib u dajin iyo in noloshooda lagu maareeyo,” ayuu yiri Bayle.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Bayle ayaa intaas ku daray in markii la tuso meelaha ay dagayaan qoxootiga dib u soo laabanaya ay dhaqaalahan ugu qabanayaan inay u sameeyaan wixii ay ku noolaan lahaayeen.

“Waxaan kaga duwannahay hay’adaha kale ee caalamka; innagu waxaan la shaqeynaynaa dowladda Soomaaliya, waayo dowladda ayaa waddanka xukunta, innaguna iyagaan kala shaqeynaynaa, sidii qoxootiga dalkooda kusoo labaanaya loo maareyn lahaa,” ayuu mar kale yiri C/raxmaan Bayle.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dhaqaalahan aan yaboohnay ma ahan mid howlo kale lagu qabanayo, balse uu yahay dhaqaale ay ugu talo-galeen in wax looga qabto dib u dajinta qoxootiga Soomaaliyeed, dhawaanna waxaan Soomaaliya u diraynaa khuburo ku taqasusay masharuucyada noocan oo kale ah.”

Mar uu ka hadlayay mashruuca ay lacagtan ku qaban doonaan ayaa xusay inay qoxootiga Somalia kusoo labaaaya ay ugu abuuri doonaan qorshayaal ay ku maareyaan noloshooda si aysan u noqon kuwo la mid noqda kuwa ku barakacsan gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Somalia ayaa xusay inuu heshiiskii ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Kenya iyo hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ee ah in dib loogu celiyo qoxootiga Soomaaliya, isagoo sheegay in qoxootiga aan si khasab ah dib loogu celiyo, balse ay iyagu doortaan.

Si kataba ha ahaatee, shirkii shalay ka dhacay magaalada Brussels ee taageerada dhaqaale loogu raadinayay qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya ayaa waxaa lagu yaboohay lacag ka badan 100-milyan oo doollarka Mareykanka ah.

 

 

Comments are closed