Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda oo Cadeeyay in loo soo Gudbiyey Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Ku Xigeenka DHAGAYSO
Hargaysa 22.Oct 2015 (SDN/QJ)-Ku simaha Guddoomiyaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ka hadlay mooshinka shirgudoonnkooda loo soo gudbiyey, kaas oo ka dhan a ahaa Madaxweyne ku xigeenka.
Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu xaqiijiyey in ay soddomeeyo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga KULMIYE ay saxeexeen mooshinkan, hase yeeshee waxaa uu meesha ka saaray in la isugu yeedho golaha oo mooshinka la hor dhigay, taas beddelkeedase ay dibada ku dhamayn doonaan wixii jira ee tabasho ah “Arrintaasi [Mooshinka] Way jirtaa oo xildhibaanno soddomeeyo ah baa noo soo gudbiyey” sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ahna kusimaha guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland
Md. Baashe Maxamed Faarax oo xalay Waraysi gaar ah khadka telefoonka ku siiyey weriye Faysal Maxamed Aadan {Fifa} oo ka tirsan telefishanka Afka Soomaaliga ku baxa ee ROYAL, waxaana guddoomiye ku xigeenku intaa ku daray isaga oo ka hadlay xisbiga ay ka tirsan yihiin xildhibaannadani iyo nuxurka uu mooshinku huwan yahay “ Xildhibaannadu dhammaantood waxa ay ka tirsan yihiin Xisiga KULMIYE waxaanay mooshinka kaga hadlayeen ayaantii dhawayd ee hudheelka maansoor qadada ay ku samaysanayeen xildhibaannada iyo wasiirrada taabacan Musharraxiinta Maxamed Biixi iyo Kijaandhe iyo Samaale kuwaas oo loo diiday in ay hudheelka galaan oo la yidhi askar baa timi. Waxaase aan kuu sheegayaa in aan fadhi caadi ah la isugu yeedhayn golaha laakiin wada hadallo ayaa noo socda annaga iyo xildhibaannada soo gudbiyey mooshinka, wada hadalkaas oo aan doonayno in wixii jira aanu banaanka ku dhamaysanno, maadaama oo xiisaddii iyo khilaafkii ka dhex jiray KULMIYE uu dhammaaday, waxaana aanu doonaynaa in aanu khilaaf kale bilaabmin sidaas darteed aanu dibada ku dhamayno wixii jira”.
Guddoomiye ku xigeenku mar uu ka jawaabayay su’aal uu Weriye Faysal Fifa ka weydiiyey in dhinaca xukuumadda iyo ciddii amarka askarta soo bixisay ay wadahadal u furayaan waxaa uu yidhi “Marka aanu annagu wada hadalno wixii nooga soo baxa ayaanu iyagana si qabaw ugu tegi doonaa oo aanu wada hadal la yeellan doonnaa”.