|

W A R S A X A A F A D E E D:Warsaxaafadeed ka soo baxay Guddida ku Meel-gaadhka ah ee loo xilsaaray Qabanqaabada Shirweynaha SAMO-TALIS ee GARXAJIS

 Hargeyga Oct 22, 2015(SDN/QJ)-Waxa shir ay isugu yimaadeen guddi loo xil saaray u gogol xaadhka shir ay yeeshaan beelweynta Garxajis oo loogu magacdaray Samo-Talis lagu lafo guray xaalada guud ee beesha iyo ta dalku haatan ku jiro.

War saxaafada loogu talo galay oo ay guddidu soo saartay oo nuqul ka mid ahi uu na soo gaaray ayaa sidan u qoraa:

1.  Shir ay isugu yimaadeen Guddida ku- meel- gaadka ah ee loo xilsaaray qabanqaabada Shirweynaha SAMO-KATALIS ee beelweynta GARXAJIS ayaa lagu qabtay Huteel Ambaasador malintii Isniinta ee bishu  ahayd 19kii Oktoobar, 2015. Qodobadashirku waxay  ka koobna todoba qodob.

2.  Ugu horaantii, waxay Guddidu falanqeysay xaalada guud ee dalku marayo iyo tabashooyinka bulshada ee is-biirsaday  ee maalinba maalinta ka sii dambeysa kordaya ee loo maaro la’yahay waxkaqabadkooda,  iyo khatarka u yeelan karto toosin la’aantoodu,  xasiloonida dalka haddii sidaas  uun lagu eegto.

3.  Waxa kaloo Guddidu ka dhegeysatay xubno Guddida ka tirsan warbixino muhim ahaa oo ku saabsan hawlihii u qabsoomay Guddida dalka gudihisa iyo dibediisaba,intii shirkii hore ka dambeeyey, iyo hawlaha weli dhiman ee loo baahan yahay in Guddidu dardargeliso fulintooda.

4. Wuxuu shirku ansixiyey barnaamij shaqo oo waxqabad oo ujeedadiisu yahay kamidhadhalinta higsiga Guddida.

5.  Waxa kaloo la magacaabay Guddi Farsamo oo ka taageeri doonta Guddida fulinta barnaamijka.

6. Waxaa  la go’aamiyey in la sii xoojiyo wadatashigii ka socday dalka gudihiisa iyo debadiisaba, iyadoo Iyana la dhameystirayo qaab-dhismeedyadii guddiyada
goobihii aan weli laga  hirgelin.

7. Ugu dambeyntii, waxay Guddidu ugu baaqday bulshada inay ilaashadaan
nabadgelyadooda iyo qaranimada Somaliland; dhinacna uga soo wadajeestaan
qof kasta ama koox kasta oo ka-hormarineysa dantood gaarka ah tan guud,iyagoo u isticmaalaya awoodo dawladnimo  oo shacbigu ku aaminay.Ficiladaas oo wiiqaya wax-wadalahaashihii umadda iyo midnimadii iyo isku-kalsoonidii bulshada.

ALLAA MAHAD LEH

 

GUDDIDA QABANQAABADA SHIRWEYNAHA SOMA-TALIS

Comments are closed