|

“Madaxweynaha Cidaad doonto Siiya Laakiin Madaxweyne Ku Xigeenka Aniga iigu Hiiliya” Wasiir Xaglo Toosiye Iyo Shaacinta Hankiisa Murashax+Heshiis ay Wada Gaadheen Gudoomiye Baashe M.Faarax DAAWO

xagloHargaysa 22.Oct 2015 (SDN/QJ)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo Toosiye ayaa Si rasmi ah Maanta ugu Dhawaaqay inuu u taagan Yahay Ku tartanka Jagada Madaxweyne ku Xigeen ee Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

Ka hor intii aanay qabsoomin Xaflada Shaacinta hankiisa Murashaxnimo Waxaa dhacay Shir duceed ay wada yeesheen Wasiirka Caafimaadka,Taageerayaashiisa Iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay Fiintu dhex miranaysay,Inkastoo Warbaahintu dibada ka joogtay Kulankaas hadana Markii uu soo dhamaaday Waxaa Goobtii Shirka loo qoondeeyay Soo Galay Wasiir Xaglo toosiye oo uu barbar socdo Gudoomiye Baashe Maxamed Faarax.

Waxaa kale oo Madashaasi ka soo Xaadiray Wasiiradda Beesha Harti kaga Jira Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,Waxa uu Xaglo Toosiye Sheegay inuu ka shaqeeyay Nabad ka aslaaxda Deegaanada uu ka soo Jeedo isagoo intaas ku daray inuu hada kadib Guda geli doono Midnimada,Horuamrka Iyo Aqoonsi uu dalku helo.

Comments are closed