|

Shirkadda Mubaarak oo xalay Dhakhaatiir iyo shirkado xaflad ugu qabtay Hargeysa

Hargeysa,22Oct,2015(QJ/SDN)-Shirkadda MUBCO (Mubaarak Companny) ayaa kulan u qabatay dhakhaatiirta Somaliland iyo shirkadda dawooyinka soo saara ee Bilim ee dalka Turkiga taas oo dawooyinkeedda lagu iibiyo dalka.

Gudoomiyaha shirkada Mubaarak ee soo dajiya dawooyinka ayaa sheegay sabab cashadda iskugu keenay dhakhaatiirta dalka ka hawlgasha iyo iyo shirkadda dawooyinka soo saarta ee Bilim in la is barto, isla markaana la qiimeeyo tayada dawooyinkani leeyihiin, waxayna dhakhaatiirtan ka socdeen isbitaalka weyn ee dawladda iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay ee Somaliland.

Furitaankii xafladdaasi waxa ka hadlay Jaamac Ducaale oo kamid ah saraakiisha Shirkadda Mubaarak waxaanu xusay inay farxadd u tahay shirkaddu ay markale qabato munaasibada noocan oo kale ah

“Caawa waxaa farxad weyn-noo ah ka Mubaarak ahaan inaannu halkan isugu kiinyeedhno haddii aad tihiin dhakhaatiirtii caafimaadka ee Somaliland si aannu isu kiin barno shirkada BILIM pharmaceutical ee dalka Turkiga ee aannu wakiilka u nahay” ayuu yidhi Mr Jaamac Ducaale.

“Caawa waxaannu idinkaga mahad celinaynaa inaad naga soo ajiibteen martiqaadkii aannu idiin fidinnay ujeeddada aannu idiinku yeedhnayna waa in aannu mar kale iskiin barro dhakhaatiirtiinnna iyo shirkadda dawooyinka soo saarta ee aannu wakiilka u nahay ee BILMIM” ayuu yidhi Gudoomiyaha shirkadda Mubco Mr Yuusuf Ducaale.

“Annagu dawooyinka ayaannu keennaa idinkuna dhakhaatiirtii caafimaadka ee dawada qoraysay ayaad tihiin markaa in la isbartaa waa alagama maarmaan,” ayuu yidhi Yuusuf Ducaale Barre

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Mr: Gokhan Saglam oo ku hadlayey magaca shirkadda BILIM ee soo saarta dawooyinka waxaanu dhakhaatiirta Somaliland iyo xubnihi kasoo qayb-galayaashii kale ee xafladaasiba u soo bandhigay warbixn qiimo dhinacyo badan taabanaysay kuna saabsanayd taariikhda shirkadda BILIM la aas aasay iyo ilaa hadda inta xarumood ee ay ku leedahay Tuurkiga iyo dibadiisaba

“shirkadda waxaa la aas aasay sanadkii 1953 ilaa  haddana waxay Turkiga ku leedahay 11 iyo saddex xarumood oo ah dalka dibaddiisa, kuwaas  oo lagu qaybiyo dawooyinka ay soo saarto” ayuu yidhi Mr Gokhan Saglam.

 

Dr Mustafe Khaalid Maxamed oo ah madaxa iibka  iyo suuq geynta ee shirkada Mubaarak  ayaa isna ka warbixiyey qaybaha kala duwan ee dawooyinka ay shirkadda BILIM soo saarto kuwaas oo ay kamd ahaayeen noocyada kala dwuan ee Dawooyinka ay shirkaddu  soo saarto.

Dhakhaatiirta Somaliland iyo ka soo qayb-galayaashii xafladaas ayaa la arkayey iyaga oo dhagta iyo ishaba la sii raacaya warbixinnada xiisaha lahaa ee ay saraakiisha shirkadda Mubaarak halkaa ku soo bandhigayeen.

Shirkadda Mubaarak waa shirkadda ugu waaweyn xagga Dawooyinka ee Soomaalida oo dhan guud ahaan waxaanay shirkaddan BILIM wakiil u tahay muddo 10 sannadoodd ah, waxaanay dalka oo dhan u qaybiyaan dawooyinka BILMIM soo saarto oo  tayadooda iyo tiro ahaamba aad u sareeya waxaanay shirkadu had iyo jeerba xoogga saartaa sidii ay dalka u keeni lahayd dawooyin tayadooda la hubiyey waxaanay shirkaddu xarumo ku leedahay dhamaan Goballada Somaliland iyo caasimadda Somaliya ee Muqdisho.

QJ/SDN: Hargeysa

 

 

Comments are closed